Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku eedeysan burcad badeed oo Maxkamad lagu soo taagay Dalka Yemen.
June 30, 2010 // admin // NewsSida uu warbaahinta u sheegay qunsulka Soomaaliya ee Dalka Yemen Xuseen Xaaji Axmed ilaa 60 dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa xabsiyada dalka yemen ku jira kuwaasoo loo haysto inay galeen danbiyo ay ku sheegeen burcad badeednimo.
Xuseen Xaaji waxaa uu intaasi ku daray 11 ka mid ah shalay maxkamad la soo taagay iyadoo loo haysto burcad badeednimo,islamarkaana a wali socoto dacwada loo haysto.
Qaarkood ayuu sheegay qunsulku in loo haysto danbiyo ku saabsan inay afduubteen doon laga leeyahay Dalkaasi Carbeed ee Yemen bishii febrayo ee sanadkii tagay.
Waxaa kale uu sheegay Xuseen Xaaji in dadka dacwadaani loo haysto ay ku jiraandhalinyaro aan burcad badeenimo loo haysan hase yeeshee dooman ay wakiilo ka ahaayeen la afduubtay.
Si kastaba lama yaqaan waxa maxkamadaasi ka soo bixi doona iyadoo la xasuusto in dacwooyin nuucaanoo kale oo ay hore u qaaday maxkamadaasi ay dhalinyaro Soomaaliyeed ku xukuntay xukuno a ku jiraan dil toogasho.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho


