Dhaqaatiir iyo Ganacsato ka socda Dalalka Masar iyo Sacuudiga oo booqasho ku yimid Boosaaso
July 27, 2011 // admin // NewsBoosaso (AB):-Wafdi isugu jirta ganacsato iyo dhaqaatiir kasoo jeeda dalalka Masar iyo Sacuudiga ayaa maanta soo gaartay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,kuwaasi oo booqashooyin kale duwan ku tagay maxjarka lagu baaro caafimaadka xoolaha ee magaalada Boosaaso.
Wafdiga ganacsatada iyo dhaqaatiirta ayaa waxaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Bender Qaasim International Airport ee magaalada Boosaaso masuuliyiin katirsan maxjarka wayn ee magaalada Boosaaso iyo masuuliyiin kale.
Ganacsade Xasan Qalaf oo ka mid ah ganacsatada dalka Sacuudiga ee soo gaartay magaalada Boosaaso oo ugu horayn la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in safarkooda uu qayb ka yahay dadaalo ay sameeyeen ganacsatada dalalka carabta iyo masuuliyiinta maxjarka Boosaaso oo ku’aadan in la dardar galiyo xoolaha loo iibgeeyo dalalka carabta.
Waxaa uu sheegay inuu sitoos ah uu u furmay ganacsi u dhaxeeya dalalka Masar,Lubnaan iyo maamulka Puntland,waxaana uu intaasi raaciyay in dhowaan dalka Masar iyo Lubnaan oo ganacsatadooda siyaabo kale duwan ay usoo gaareen magaalada Boosaaso inay dhowaan u bixi doonaan xoolihii ugu horeeyay oo isugu jirta geel iyo ari kuwaasi oo loo iibgeen doono dalalkaasi.
Maamulaha maxjarada Puntland ee lagu baaro caafimaadka xoolaha Maxamed Faarax oo ka hadlay imaatinka wafdiga ayaa sheegay inay ganacsatada iyo masuuliyiinta Dowladda Puntland inay siweyn usoo dhoweeynayaan booqashada ganacsatda iyo dhaqaatiirta kasocota dalalka carabta.
Waxaa uu sheegay in wafdigan ay u yimaadeen sidii masuuliyiinta maxjarka ay ugu wareejin lahaayeen waraaqo kusaabsan shuruudaha xoolaha ay qaadanayaan ganacsatada carbeed iyo sidii ay u arki lahaayeen maxjarka lagu baaro caafimaadka xoolaha loo iibgeeyo dalalka carabta.
Intaasi kadib masuuliyiinta maxjarka Boosaaso ayaa ganacsatada carbeed ee soo gaartay magaalada Boosaaso waxaa ay u galbiyeen maxjarka wayn ee magaalada Boosaaso,halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen masuuliyiin katirsan maamulka gobolka iyo degmada Boosaaso.
Gudoomiye kuxigeenka gobolka Bari ahna kusimaha gudoomiyaha gobolka Yuusuf Muumin Bide oo ganacsatada kusoo dhoweeyay maxjarka Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada ganacsatada carbeed ay ku yimaadeen magaalada Boosaaso,waxaana uu xusay inay tani qayb ka tahay dadaallo ay sameeyeen ganacsatada reer Puntland.
Kusimaha gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide ayaa ugu dambeyntii sheegay inuu u soo jueedinayo ganacsatada inay ka qaybqaataan horumarinta gobolka Bari iyo guud ahaan deegaanada Puntland.
Duqa magaalada Boosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo ka mid ahaa masuuliiyiinta ka hadashay soo dhoweynta ganacsatada iyo dhaqaatiirta maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa sheegay in maamulka Puntland uu siweyn uu ugu faraxsanyahay xiriirka dhanka ganacsiga ee dhexmari doona ganacsatada reer Puntland iyo ganacsatada Masar iyo Lubnaan,isagoona ku booriyay inay ganacsatada sii wadaan horumarinta ganacsiga xoolaha ee Puntland oo uu sheegay inay lafdhabar u yihiin dhaqaalaha soo galaya dalka Somaliya.
Ganacsatada carbeed ee kasocday dalalka Sacuudiga iyo Masar ayaa galinkii dambe ee maanta kadib booqashadii ay kusoo gaareen magaalada Boosaaso waxaa ay dib ugu laabteen dalka Jabuuti oo ay markii hore kasoo dhoofeen
Si kastaba,maxjarka xoolaha ee magaalada Boosaaso ayaa tan iyo markii la furay sanadkii 2008 waxaa uu xiriir wanaagsan oo dhanka ganacsiga xoolaha uu la sameeyay wadamada carabta sida Sacuudiga,Kuweit,Imaaraadka Carabta iyo Cumaan,waxaana xiriirka ganacsi ee dhexmari doona dalalka Masar Lubnaan iyo maxjarka Boosaaso uu qayb ka noqonayaa horumarka dhinaca ganacsiga ee uu gaaray maxjarka Boosaaso.



