Dhismaha Xarun loogu talo galay Daryeelka Caruurta oo Maanta laga bilaabay Degmada Jawiil
June 30, 2011 // admin // NewsJawiil(AB):-Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan waxaa laga bilaabay maanta oo khamiis ah xarun loogu talo galay daryeelka caruurta agoonta ah taasoo loogu magac daray sh.c/casiis Sh.Bashiir.
Xarunta waxaa loogu magac daray marxuum 2 sano ka hor llagu dilay magaalada Muqdisho isagoo ka soo baxay salaad taraawiix ah masaajid ku yaal degmada yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.
Marxuumka waxaa looga bartay garabqabashada dadka tabaaleysan, iyo ugargaaridooda, si loosii wado kheyrkii uu jeclaay ayaa xaruntaan loofuray sida ay sheegeen howlwadeeno maanta dhagac dhigay xaruntaasi oo dhismaheeda laga bilaabay Jawiil.
Munaasabad dhagax dhigaasi loo sameeyay ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmadda Cabdi Macalin Aadan waxaana uu sheegay inay aad u soo dhaweynayaan dhismaha xaruntaasi iyo waxkasta oo horumar ku soo kordhin kara degmadaasi.
Xaruntaani oo si rasmi ah loo bilaabay dhismaheeda ayaa waxaa maalgalinaya labo ka midda qurbojoogta degmadaasi jawiil ka soo jeeda kuwaasoo kala ah C/laai Osman iyo Xabiiba Axmed Hasan
Axmed Cali
Wariye Madax banaan
Axmedcali1@gmail.comDegmadda Jawiil, Hiiraan



