Articles, News

Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo Booqday xerada ciidamada daraaiishta ee ku taala duleedka dagmada taleex sheegayna in imaatinkisa taleex cidna Gorgortan uga galayn..+SAWIRO

Wafdiga Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa saaka Kormeer Booqaho ah ku tagay Xerada Ciidamda Daraawiishta ee deegaanka taleex halaasi oo uu salaan sharaf kaga qaatay Cutubyo ka mid ah Ciidamada daawiishta kadibna waakan taliyaha ciidmada daraawiishta Puntland ee Dagmada taleex G/le dhexe Cali diiriye farax cali baale oo soo dhwayn u sameyay wafdiga Madaxwayne ku xigeenka sheegayna inay diyaar u yihiin difaaca dalka .

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen/C/samed Cali shire oo la hadlayay ciidamada daraawiishta Puntland ee deegaanka taleex ayaa ku booriyay ciidamdaasi ka difaacida cida cadowga Gudaha iyo dibada intaba .

C/samed Cali shire Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa hadal cad ku sheegay in imaatinka deegaanka taleex uusan cidna uga hibaysanayn tahayna deegaankiisii.

waxay noqonaysaa maalintii 4aad ee uu madaxwayne ku xigeenka Puntland ku suganyahay Mgaalada taleex kulamo kala duwan la qaatay qaybaha Bulshada soona kormeeray xarumaha ka dhaxeeya Bulshada.