Dirk Kuyt, inta Nolashayda ka dhimana waxaan sii joogi doonaan Kooxdayda Liverpool
September 1, 2010 // admin // SportsCiyaaryahanka u dhashey dalka Holland una ciyaara kooxda Liverpool ee ka dhisan horyaalka dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay wararka sheegaaya inuu ku biiraayo kooxda Inter Milan ee ka dhisan horyaalka dalka Talyaaniga.
Dirk Kuyt ayaa shir jiraa’id uu qabtay sheegay in uusan marnaba ka tegi doonin garoonka Anfield isla markaasna weligiisa u ciyaari doono kooxda Liverpool.
”…Waxaan cadeynaaya in aan sii joogaayo Liverpool oo mustaqbalkayga ku dhamaysanaayo,sababtoo ah waa meesha aan waqti fiican ku haystay…”,ayuu yiri.
Kooxda Inter Milan ayaa si aad ah u doonaysa xiddigaan,iyadoo ciyaaryahanka ay isku wadan yihin Wesley Sneijder ku cadaadinaaya kooxdiisa in ay lasoo wareegto Dirk Kuyt.
Tababaraha kooxda Liverpool Roy Hodgson ayaa soo dhoweeyey hadalka kasoo yeeray ciyaaryahankiisa isla markaasna ku amaanay qaab ciyaareedkiisa.
Kooxda Inter Milan ayaa ku guuldaraysatay in ay lasoo wareegto ciyaaryahanka Javier Mascherano oo isagu ku biiray kooxda Barcelona.
Siciid Samali
Wakiilka All-burtinle-garoowe
E-mail loole15@hotmail.com



