diyaarad laga leeyahay Holand oo lagu soo riday xeebaha Soomaaliya
May 12, 2012 // diyeeshe // News(puntlandvoice.com):-Kooxo Soomali ah oo aan wali si rasmi ah loo shaacin dhanka ay ka tirsan yihiin ayaa la hadal hayaa inay soo rideen diyaarad nuuxa qumaatiga u kacda oo laga leeyahay dalka Holand kadib markii ay toogteen sida lagu sheegay war ka soo baxay dowlada Holand.
Warka Holand ka soo baxay waxaa lagu sheegay in diyaarad laga leeyahay dalkeeda ay ku soo dhacday ama ku dul dul burburtay Xeebaha Soomaaliya markii rasaas badani ku dhaceen diyaaraddaasi.
Warka Holand ka soo baxay laguma sheegin kooxda rasaasta ku furtay diyaaradaasi dhinaca ay ka tirsan marka la eegop xooggaga kala duwan ee soomaaliya ka jira xiligaan waxaase ay ku gaabsadeen in kooxo hubeysan ay rasaastaasi fureen
“diyaaraddu waxaa ahayd nuuca Helekopterka oo dul heehaabaysay Xeebaha Soomaaliya, taasoo ay toogteen Kooxo hubaysan, taasina ay keentay in diyaaraddu ay burburto”ayaa lagu yiri warka Holand ka soo baxay gaar ahaan wasaarada gaashaandhiga ee dalkaasi
Wasaaradda Gaashandhigga ayaa sidoo kale sheegtay inay wadaan baaritaanno ku aaddan sababihii ka dambeeyay in kooxo hubaysan ay toogtaan diyaaradda iyo jooggii ay ku duulaysay diyaaradda xilligii la tooganayay.
Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com
