digg icon delicious icon

Diyaarad Isaga kala gooshaysa Puntland iyo Itoobiya oo Galabta Soo Caga dhigatay Garoowe International Airport

August 31, 2010   //     //   News

GAROOWE(AB): Waxaa galabta abaarihii marka ay saacadu ahayd kow iyo tobankii galabnimo ka soo gaca dhigatay garoonka diyaaradaha ee Garoowe International Aiprot ee magaalada garoowe xamuula oo ah nooca rakaabka qaada islamar ahaantaana isaga kala gooshi doonta Puntland iyo Ethoipia taas oo lagu magacaabo Punti-Air.

Diyaaradaan oo siday wafti balaaran oo ka socaday dalka itoobiya islamarkaana isugu jiray safiiro iyo masuuliyiin kale oo ka socday dalka Ethopia ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka socday dowlada puntland iyo maamulka gobalka waxaana labada dhinac ka muuqday kuwo ku faraxsan in la helo diyaarad isaga kala gooshta puntland iyo Ethopia.

Wafigaan ayaa waxaa garoonka ku sugayey masuuliyiin ka socady maamulka puntland gaar ahaan wasiiro iyo wasiiro kuxigeeno ka tirsan maamulka puntland gaar ahaan wasiirka waxbarashada puntland Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Duulista iyo garoomada puntland Xasan Garaash iyo maamulka gobalka iyo kan degmada garoowe.

Ugu horayntii waxaa saxaafada uga warbixiyey ujeedada diyaarada iyo dadaalka loo galay gudoomiyaha gobalka nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab waxaana uu saxaafada u sheegay in diyaaradaani ay tahay mid isaga kala gooshaysan deegaanada puntland iyo Itoobiya islamarkaana waxaa uu ku tilmaamay in ay tahay diyaaradii ugu horaysan ee rakaab ka qaada puntlad taas oo u qaada dalka dariska ah ee Ethopia.

Qusuulka dalka Ethopia u fadhiya Puntland Mr Asmalaash ayaa sheegay in dowlada Ethopia ay dadaal u gashay sidii arintaan loo hirgalin lahaa iyadoo dadaal ka heshay madaxda sare ee puntland waxaana uu Asmalaash shegay in arintaani ay sii xoojin doonto xiriirka labada dal ee puntland iyo Ethopia.

Isku soo wada duubo diyaaradaan ayaa ah tii ugu horaysan ee isaga kala gooshi doonta deegaanada puntland iyo dalka dariska ah ee Ethopia waxaana xusid mudan in diyaaradaani ay asbuuciiba labo jeer imaan doonto deegaanada Puntland taas oo ka qaadi doonta rakaab.

Wakiilka Allburtinle-Garoowe

Siciid Somali

E-mail loole15@hotmail.com

Readers Comments (0)