DOWLADA INDIA "Dowlada Soomaaliya ka jirta waa mid tabar daran mana suurageli karto in cunuqabateynta hubka laga qaado soomaaliya"
June 30, 2011 // admin // NewsWasiir ka tirsan Dowlada India ayaa daboolka ka qaaday in xiligaani aaney munaasib ahayn in cunuqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya.
Wasiir arimaha dibada India oo shir la qaatay dhigiisa Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in wali aan la gaarin xiligii cunuqabateynta laga qaadi lahaa soomaaliya kadib markii wasiirka arimaha dibada Imaaraadka Carabta Abdullah Bin Zayed Al Nahyan uu inda ka codsaday inay gacan ka gaysato sidii cunuqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.
“Dowlada Soomaaliya ka jirta waa mid tabar daran mana suurageli karto in cunuqabateynta hubka laga qaado soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka arimaha dibada India sida uu soo qorey wargeyska Hindustan Times oo ka soo baxa dalkaasi India.
Abdullah Bin Zayed Al Nahyan oo ah wasiirka arimaha dibada Dalka Isu taga taga Imaaraadka Carabta ayaa dowlada India ka codsaday inay gacan ka siiso Imaaraadka sidii cunuqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.
Dowlada India waxay shuruud uga dhigtay qaadista cunuqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran qaraar loo dhan yahay oo ka soo baxa Golaha amaanka qaramada Midoobey
Xafisika Muqdisho
allburtinle.com



