News

Dowlada Kenya oo sheegtay in la qabatay ninkii hogaaminayay weerarkii lagu qaaday Deegaannadda Mpeketoni

Hadal ka soo baxay Boliska Kenya ayaa waxay sheegeen inay qabteen 16 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Dagaalyahannaddii weeraradda ka geystay Gobalka Laamu ee dalka Kenya bishii June ee la so odhaafay.

Wargeyska The Daily Nation ayaa qoray in Hoggaamiyihii Kooxdaasi oo Kenyaati iyo 15 kale lagu qabtay Dhulka Kaymaha badan ee OZI oo ku dhow Jesiiradda Laamu.

Sarkaal u hadlay Boliska Kenya ayaa sheegay in Hoggaamiyahaasi oo ka soo jeeda Tuulladda Kiyunga xubin ka yahay Xarakadda Alshabaab, isla markaana uu taliye u ahaa Kooxdii labo bilood ka hor weerarka ka geysatay Deegaannadda Mpeketoni, Poromoko, Maleli, Kibooni iyo Gamba oo dhamaantooda ka tirsan Gobalka Laamu.

Wargeyska the Daily Nation, waxa kaloo uu qoray in Hoggaamiyahaasi dhaawacyo ka soo gaareen weeraraddii bishii June ee la soo dhaafay lagu qaaday Saldhigga Boliska ee Gamba, iyadoo halkaasi lagu dilay 9-qof.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Kenya (KDF), Willy Wesonga ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo hawlgalka lagu sheegay in lagu soo qabtay kooxihii ka dambeeyey weeraraddii ka dhacay qeybo ka mid ah Gobalka Lamu.