Dowlada KMG Soomaaliya oo beenisay in laga qabsaday degmada Yeed Gobolka Bakool
July 31, 2010 // admin // NewsDoolow (AB);-Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowlada KMG Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil ayaa si weyn u beeniyay in Dowlada laga qabsaday degmada yeed ee Gobolka Bakool kadib dagaal doraad ka dhacay halkaais ,waxaana uu tilmaamay warkaais yahay mid aan waxba ka jirin.
Gudoomiyaha oo u warmayay idaacada shabelle ee Muqdisho ka jirta ayaa qirey in dagaal uu halkaasi ka dhacay markii weerar uu kaga yimid Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab,balse sida uu sheegay ay iska difaaceen.
“way jirtaa in dagaal nalagu soo qaaday laakiin ma jirto in nalagala wareegay,ciidamadeena ayaa hadda si buuxda u maamulaya magaaladaasi” ayuu yiri Gudoomiyaha Gedo ee Dowlada KMG
Mar wax laga weydiiyay haddii wax khasaare ah uu dhankooda ka soo gaaray dagaalkaasi ayuu sheegay in 3 askari kaliya dhaawacyo ka soo gaareen dagaalada,islamarkaana dhaawacoodu yahay kuwo fudud.
Dhanka kale waxaa uu sheegay mas’uulkaani in dhawaan ay weeraro ku qaadi doonaan magaalooyinka Gobolada Bay iyo Bakool ee ay maamulaan Mujaahidiinta Alshabaab.
Warka gudoomiyaha ayaa yimid kadib markii doraad dagaal uu magaalada Yeed ku dhexmaray ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya ee halkaasi ku sugan iyo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta oo halkaasi weerarka ku qaaday kadibna ay sheegeen inay ka saareen magaaladaasi ciidamadii Dowlada.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho


