Dowlada KMG Soomaaliya oo daboolka ka qaaday inay degdeg u soo afjari doonaan Dagaalada ay kula jiraan Xoogaga Islaamiyiinta
August 31, 2010 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Ing.C/raxmaan Yariisow oo ah Wasiirka Warfaafinta Dowlada KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay soo afjarmeen qorshayaal ay ciidamadooda ku diyaarinayeen islamarkaana ay iminka soo afjeri doonaan dagaalada Muqdisho ka socda.
Wasiirka waxaa uu carabka ku dhuftay in sida ugu shaqsiyaha badan uguna khasaaraha yar ay dagaaalada Muqdisho kusoo afjeri doonaan islamarkaana ay magaalada ka saari doonaan xoogaga Xarakada Alshabaab iyo Xisbul Islaam.
“waxaan aad iyo aad rajo uga qabnaa inaan soo afjarno dagaalada aan kula jirno kooxda Alshabaab waana mida nagu riixday inaan dalbano ciidamo dheeraad ah oo afrika ka socda”ayuu yiri Ing.Yariisow
Shacabka Soomaalida ayuu ka codsaday inay ku gacan siiyaan Dowlada sidii ay uga adkaan lahaayeen Xoogaga ka soo horjeeda isagoo xusay in sidaas looga bixi karo dhibaatada muqdisho ka socota waa sida uu warka u dhigay
Mar wax laga weydiiyay sida halka ay ku danbeeyeen balanqaadyadii u danbeeyay ee IGAD kaasoo ahaa inay ciidamada soo kordhiyaan ayuu daboolka ka qaaday in qaar ka mid ah ciidamadaasi ay durba soo gaareen Muqdisho islamarkaana uu uga mahadcelinayo Madaxweynaha Dalka Uganda dadaalka uu ugu jiro sida uu doonayo in xal loo helo arimaha soomaaliya.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho


