digg icon delicious icon

Dowlada Puntland oo beenisay gole deegaan oo dhowr beri kahor loo sameeyey degmada Ufeyn

January 31, 2012   //     //   News

Garoowe (PV):-War ka soo baxay Wasaarada arimaha gudaha puntland oo warbaahinta loo qeybiyay ayaa lagu beeniyay jiritaanka gole deegaan oo dhowr beri kahor loo sameeyey degmada Ufeyn ee gobolka Bari.

Qoraalka ka soo baxay Wasaarada arimaha gudaha Puntland ayaa sidaan u qornaa:-

Wasaarada Arimaha Gudaha, D/hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga

Ref: XWK/WAG/124/11 Date: 31/1/2012

Ku: Gudoomiyaha gobolka Bari.

Og: Madaxweynaha dowlada Puntland.

Ujeedo: Joojin dhismaha golaha deekaanka Ufeyn.

Markii la arkay Dastuurka dowlada Puntland.

Markii la tixgeliyey duruufta iyo dib u heshiisiinta beelaha ee hada socota.

Markii la ogaaday qaabkii ay u hawlgaleen dhinaca farsamada xubnihii aadey dhismaha deegaanka Ufeyn in aysan waafaqsanayn shuruudaha dhismaha goleyaasha deegaanka.

Iyada oo laga duulayo qodobada kor ku xusan waxay Madaxtooyada dowlada Puntland iyo wasaarada arimaha gudaha, Dowladaha hoose, iyo horumarinta reer miyiguba isla garteen in la joojiyo ilaa iyo amar danbe dhismaha golaha deegaanka ee Ufeyn.

Fulin Wacan

Cali Yuusuf Cali (Xoosh)

Wasiir ku-xigeenka wasaarada arimaha gudaha, dowladaha hoose, iyo horumarinta reer miyiga ee Puntland

Readers Comments (0)