Dhacdooyinka Puntland, Islam, News

Dowlada Puntland oo katacsiyeeysay dadkii ku Dhintay Qaraxii Muqdisho

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Camey ayaa Mulkiilayaasha Hoteelada Magaalada Muqdisho uga digay feejignaanta ku aadan Qataraha guracan ee uga imaanaya Weerarada Qaraxyada ah ee lala beegsanayo.

Camey ayaa Ugu horeyn Tacsi u diray dhammaan ehelada Dadkii ku dhintay Weeerarkii ka dhacay Hoteelka SYL ee Magaalada Muqdisho waxaana uu Allaah u rajeyay inuu u booga dhayo dadka Dhaawacan.

kusimaha Madaxweynaha Puntland ayaa Fariin u diray dhammaan Mulkiilayasha hoteelada Magaalada Muqdisho waxaaana uu sheegay in Dowlada Somalia kala hadlaan qaabka looga hortagi karo dhibaatooyinka Qaraxyadaasi.

Camey aaya sheegay in Maamul goboleedyada Dalka iyo Dowlada Federaalka Somali looga baahan yahay sidii ay hal mowqif uga qaadan lahaayeen dhibaatooyinka Qataraha ah ee ka imaanaya Kooxda Alshabaab