Dowlada Puntland oo ku eedeeyay Xarakada Alshabaab inay ka danbeeyeen dilkii xalay ka dhacay Boosaaso
November 30, 2010 // admin // NewsBoosaaso (AB):-Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay xarakada Alshabaab iyo ciidamada wadaad diimeedka Sh.Atam inay iyagu ka danbeeyaan dilkii xalay loo gaystay xeer ilaaliyihii Gobolka Bari.
Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada Puntland Maxamed Xasan ayaa saxaafada kala duwan u sheegay mas’uuliyada dilkii dhacay ay leeyihiin sida uu sheegay kooxo naba diid ah isagoo carabkana ku dhuftay alshabaab.
“kooxaha koonfurta ka dagaalama ayaa ka danbeeyay dilkii xalay dhacay sida alshabaab iyo waliba kuwii dhawaan aan kula dagaalanay buuraha Gobolka Bari oo xiriir la leh alshabaab” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada Puntland .
Xeer ilaaliyaha ayaa intaasi ku daray in dhamaan dilalkii dhacay ay ka danbeeyaan wadaad diimeedka Sh. Atam iyo alshabaab.
Sidoo kale waxaa uu meesha ka saaray in aano qabiil darteed loo dilay xeer ilaaliyihii goboka Bari isagoo carabka ku adkeeyay inay ka danbeeyaan Ururka Alshabaab.
ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakatu shabaabul Mujaahidiin oo ku wajahan eedeynta loo jeediyay.
allburtinle.com
Boosaaso-Bari


