Dowlada Puntland oo ku eedeysay Dowlada Shariif inay lug ku leedahay dagaaladii ka dhacay duleedka Laascaanood
May 31, 2011 // admin // NewsGaroowe (AB);-kadib dagaalo xoogan oo shalay dhexmaray ciidamada Dowlada Puntland iyo kuwa Maamulka la baxay Somaliland ayaa waxaa dagaaladaasi ka warbixiyay wasiirka warfaafinta Puntland.
Axmed Cali Askar oo ah Wasiirka warfaafinta Dowlada Puntland ayaa daboolka ka qaaday in dowlada KMG ah ee Madaxdweynaha uu ka yahay Shariif Sh.Axmed inay lug ku lahayd dagaaladii shalay ka dhacay duleedka Laascaanood.
ujeedka dagaalkii nalagu soo qaaday waxaa uu ahaa mid la doonayay in amniga Puntland qalqal lagu geliyo waxaana aamisanahay in dowlada KMG ah Soomaaliya ay lug ku leedahay dagaaladaasi”ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Dowlada Puntland Axmed Cali Askar
Wasiirka mar uu ka hadlayay sida uu ku bilowday dagaalka shalay ka dhacay deegaanka Tukaraq ayuu sheegay in ciidamo reer Puntland ah oo canshur ururin ku mashquulsanaa la soo weeraray sidaana dagaalku ku bilowday
“anaga dhankeena 3 asari ayaa dhaawacyo naga soo gaareen laakiin kuwii weerarka nagu soo qaaday khasaare aad u badan oo dhimasho iyo dhaawac ayay ciidamadeenu gaarsiiyeen”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland
Warka wasiirka ayaa ku soo aadaya xili shalay gelinkii danbe dagaalo xoogani ka dheceen duleedka laascaanood halka lagu magacaabo Tukaraq markii ciidamada Maamulka la baxay Somaliland uu weerar ku soo qaaday ciidamada Dowlada Puntland ee halkaasi fariisinka ku lahaa.
Garoowe-Nugaal
aallburtinle.com



