digg icon delicious icon

Gudi difaac iyo mid dhaqaale oo Maanta looga dhawaaqay Boosaaso

May 31, 2011   //     //   News

Boosaaso (AB):-Dowlada Puntland ayaa maanta shaaca ka qaaday inay magacowday gudi difaac iyo mid dhaqaale iyadoo gudigaasina uu isugu jiro wasiiro iyo saraakiil sar sare.

Mr.Xasan Faarax oo ah Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland ayaa maanta ka dhawaajiyay in la sameeyay gudi difaac iyo mid dhaqaale mar uu ka hadlayay munaasaba maanta ka dhacay Magaalo xeebeedka Boosaaso ee Gobolka Bari.

“sidaad ka warqabtaan waxaa jira dhibaatooyinka Dowlada Puntland ka soo foodsaay meeo kala duwan sida buuraha Galgala,Gobolada Sool, iyo mudug sidaa daraadeed ayaan u magacownay gudi difaac iyo mid dhaqaale”ayuu yiri Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland

Ganacsatada ayuu ugu baaqay inay gaab istaagaan dowlada si ooga talaabsado dhibaatooyinkaasi.

Wasiirka ganacsiga Puntland ayaa ku dhawaaqay magacyada gudiga la magacaabay kuwaasoo kala ah sidan:-

Wasiirka maaliyadda Puntland Faarax Cali Jaamac Gudoomiye
Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Gen Cabdulahi Axmed Jaamac Ilka Jiir
Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng Saciid Maxamed Raage.
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xasan Faarax Jaamac
iyo sarkaal katirsan laamaha amniga ee dowladda Puntland.

Wasiirka ayaa  ganacsiga Puntland waxaa uu ku celceliyay in dowlada Puntland u baahan tahay taageerada Ganacsatada. 

Boosaaso-Bari
allburtinle.com 

Readers Comments (0)