digg icon delicious icon

Dowlada Uganda oo sheegtay inay diyaar la tahay 10,000 askari oo Soomaaliya ay usoo diraan

August 31, 2010   //     //   News

Kambaala (AB):-Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Dalka Uganda ayaa u sheegay wargeys ka soo baxa dalkaasi inay diyaar la yihiin 10’000 askari oo hor leh inay u diraan Soomaaliya hadii sida uu sheegay ay taageero dhaqaale uga helaan Dalka Mareykanka.

Taliyaha waxaa uu xusay in ciidamadooda keydka oo gaaraya 100,000 askari ay ka soo dhex diri doonaan 10,000 ka mid ah si ay garab u siiyaan Dowlada KMG Soomaaliya islamarkaana ay ka war sugayaan Dowlada Mareykanka si ay u taageerto ciidamadaasi marka la eego dhaqaalaha ku baxaya.

Sarkaalkaasi waxaa uu sheegay inay ciidamadaasi awood u leeyihiin inay soo celiyaan amniga guud ee dalkan Soomaaliya balse ay la sugayaan talaabadaasi tan iyo inta ay dhaqaale uga helayaan sidii ciidamadaasi loogu daabuli lahaa Soomaaliya.

Warka Taliyaha ka soo baxaya ayaa ku soo aadaya xili ciidamadooda jooga Muqdisho shalay ay la kuleen khasaare dhimasho iyo dhaawac kadib markii madaafiic lagu garaacay madaxtooyada ay sababtay geerida 4 askari oo ciidamada Amisom ka tirsan iyo 8 dhaawac.

Wararka laga helayo khasaaraha dhimasho ee shalay gaartay ciidamada AMISOM ayaa ka badan inta uu qirey afhayeenka AMISOM Barijiyo Bajuko.

allburtinle.com

Readers Comments (0)