News

Dowladda Canada ayaa ugu deeqdey Soomaaliya lacag gargaar ah oo wadarteedu dhantahay 18 milyan oo doollar,

wasiirka socdaalka Canada, Axmed Xuseen oo wasaaradda arrimaha dibaddana matalayay wuxuu sheegay lacagtan in loogu tala-galay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, si uu u sheegay idaacadda VOA-da.

Lacagtan waxaa la marin doonnaa hay’adaha gargaar, balse Wasiirka socdaalka oo la waydiiyay sababta dowladda si toos ah lacagta loogu garsiin waayay, wuxuu sheegay inaysan jirin xiriir toos ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Canada ,wuxuu usoo jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay safaarad ka furato Canada si xiriirka labada dal uu u noqdo mid toos ah.