ayaa markii ugu horreeysay la filaya si wadajir ah inay uga faa’ideystan dakhliga ka soo xaroodda bixinta rukhsadaha Kalluumaysiga, bangiga dhexe ayay lacagta ku soo dhacaysa iyadoo kaddibna ay dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada si afgarad ah ku qeybsan doonan, sida u xaqiijiyay wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya, Cabdiraxman Maxamed Cali Xaashi oo VOA-da la hadlay.
10 February ayaa shir ka dhacay Muqdisho waxaa ku heshiiyay qeybsiga dakhliga ka soo xaroodda bixinta rukhsadaha Kalluumaysiga dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana go’an lugu gaaray dhaqaalaha halka ka soo xoroonnaya in wax looga qabto amniga iyo in dhaqaalaha waddanka lugu kabo.