News

DOWLADDA SOMALIA OO HOOS U DHIGTAY QIIMAHA QARASHKA SANADKAAN SOOMALIA LOOGA XAJIN DOONO.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta dowladda Soomalia ayaa maanta ku dhawaaqday in la jabiyay oo hoos loo dhigay qiimaha qarashaadka ay xujeyda soomaaliyeed sanadkaan 2018-ka uga xajinaya dalka somalia.

Qarashka xaajiga ka xajinaya soomalia sanadkaan waxuu noqon doona ugu badnaan $3,300 oo ay kujiraan dhamaan adeegyada xajka ee kala duwan sida> deegaanka,basaska, nolosha maalhama uu xajka ku suganyahay,fiisaha diyaaraddaha duulimaadka oo go and back ah iyo qarashaadka adeegyada kale ee xujeyda loo qabanaayo waxaana wasaaraddu sheegtay in lacagtaas aan waxba lagu dari karin.

Sidoo kale wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta soomaalia ayaa la wareegtay oo mas’uul ka noqon doonta soo saaridda fiisaha xajka iyadoo kaliya xujeyda ay baasaboorradooda u geysan doonan shirkaddaha duulimaadyada.