News

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay wada shaqayntii dhinaca Milatariga ee ay lalahaayeen Waddanka Imaaraadka Carabta

oo uu kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed.

Maxamed Mursal Sheekh, wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ciidamadii ay tababari jireen Imaaraadku ay la wareegi doonaan iyado lagu beegi doono 12 April oo ay dabaal dagayaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray inay diyaariyeen xuquuqdoodii ciidanimo islamarkaana ay helo doonaan wax kasta oo ay xaq ugu leeyihiin dowladda.

Mursal ayaa sidoo kale xusay jn ciidamadan markii hore ka tirsanaayeen kuwa xoogga dalka balse ay tababar ka qaadan jireen Imarat.

Ugu dambayn wuxuu u mahadceliyay dowladda Imarat oo uu sheegay inay shaqo fiican la qabatay.