News

Duqa Cusub ee Degmada Bosaso oo Xilka la Wareegay

Duqa Degmada Bosaso Cabsalaan Bashiir Cabdisalaan ee uu dhawaan xilkaasi si ku meel gaar ah ugu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland ayaa xilka si rasmi ah ula wareegay, kadib xaflad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta guriga gobolka.

Waxaa ka soo qeyb galay munaasabadda Maamulka gobolka, Taliya qeybta Booliska gobolka xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Duqii hore ee Degmada Bosaso Injineer Yaasiin Mire Maxamuud oo ugu horeyn ka hadlay goobta ayaa sheegay inta uu xilka hayey in uu qabtay wax badan, isla markaana u la shaqeyn doono Maamulka cusub ee la soo Magacaabay.

Duqa cusub ee Degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa dhankiisa sheegay in ay sharaf u tahay in uu la wareego xilkan, isla markaana howshii halkeedii ka sii wadi doono.

…Magaaladan waa Magaalo Soomaaliweyn ay degan tahay waana muhiim in laga shaqeeyo amnigeeda iyo nafaadeeda ayuu yiri Duqa cusub ee Degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.