digg icon delicious icon

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa weerar ismaadaamin ah oo alshabaab ku qaadeen cidiamada Amisom

May 31, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):-Dagaal socday mudo 40 daqiiqo ah iyo qaraxyo ismaadaamin ah oo shalay ciidamada Xarakada Alshabaab ay ku qaadeen fariisin ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ku leeyihiin wadada maka almukarama ayaa waxaa ka soo baxaya faahfaahin dheeraad ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Alshabaab oo baabuur gaar watay ay weerar kadis ah ku qaadeen hoteelka Maka Almukarama halkaasoo fariisin u ah ciidamada midowga Afrika iyo kuwa ururka ahlu suna ee dowlada hoostaga waxayna hakaais ku dhintay askar ka tirsan kuwa Amisom.

Ciidamada Alshabaab oo labo ka mid ah ay isku qarxiyeen alka weerarka ay ku qaadeen ayaa la sheegay inay sababeen khasaaraha ugu badan ee askata Midowga Afrika soo gaaray iyadoo qaar ka kalana ay dagaal caadi la galeen ciidamada Amisom iyo kuwa Ahlu suna ee difaaca hoe ku jirey.

Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa daboolka ka qaaday in guutadooda is qarxinta ah ku guuleyteen weerarkii ay shalay galab qaadeen islamarkaana ay ku dileen ilaa 30 askari oo kuwa Amisom ka tirsan.

Sidoo kale Afhayeen u haday Amisom ayaa qirey weerarkaasi inuu dhacay islamarkaana ay uga dhinteen 2 askari sida uu warka u dhigay waxaana uu intaasi ku daray in 4 askari oo alshabaab ka tirsan ay weerarkaasi fuliyeen .

” 4 ayay ahaayeen shabaabka na soo weeraray 2 way is qarxiyeen midna anagaa tooganay midna wuu baxsaday oo dhanka Xamarweyne ayuu u orday”ayuu yiri Afhayeen ku xigeenka Amism oo qaraxyada kadib la hadlayay saxaafada.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com
 

Readers Comments (0)