Articles, News

Faallo: Baarlamaanka Dhaxal-tooyada Puntland !

Dhisidda Puntland wuxuu ahaa hindise kayimid dadka u dhashay Gobollada Bari, Sanaag, Sool, Mudug,Nugaal, iyo Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, dhammaan shantaan gobol iyo degmadaasi waxay ka tirsan yihiin 18 kii Gobol ee Soomaaliya,Shirar kala dambeeyey oo ay yeesheen Isimadda,Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada waxaa lagaga shawrayey hindisaha ah in la sameeyo Maamul,ujeedooyinkiisu ay ahayd: In ammaan la kala helo oo dadkan wada dhashay ay kala badbaadaan lana jiheeyo dhallinyarada qoryaha wadata ee aan waxba baran iyo kuwa hubaysan ee Jabahadii SSDF iyo Maleeshiyo Beeleedyadii kale Iyo in Soomaaliya laysku baadi doono oo ay noqoto kob Soomaali usoo hirato lana raadiyo dawladnimo Soomaaliyeed.
Calanka Puntland

Sida laga barto waayaha, dhib shalay ku haystay oo aad xal u hesho ayaa horseeda hormar waxaana saa’ida ilbaxnimada,Haddii walwalku shalay ahaa halakala ammaan helo oo aan maamul samaysano,maanta walwalku waa aan hormar gaarno, ruux walba fikir haku yeesho cidda matalaysa ee magiciisa ku hadlaysa, waxayna taasi kor u qaadaysaa sumcadda iyo jiritaanka muwaadinka waana heerka u sareeya ee ruux gaaro kolka la’eegayo isxukunka dadka “Democraziation”.
Qaar ka mid ah Issimada-Puntland


Kadib tashiyo farabadan iyo gudiyo loo xilsaaray dhisidda Maamulka Puntland waxay garashadu dhaafi wayday in la sameeyo Baarlamaan laguna soo doorto hab beeleed, waxaana lagu jaan gooyey tirada guud ee xildhibaanada 66 kursi oo qura,Waxaa kaloo laysla gartay in xildhibaanada ay soo xulaan Isimada beelaha.Xubnihii kolkaas loo xulay inay wakiil ka noqdaan shacabka waxay u badnaayeen,odayaal aan lagu xulan aqoon maamul iyo mid cilmi kale ee waxay ahayd yaa 54aad (Xeradii Shirku kocday ee ku taal Groowe) joogay oo reerka matala.
Qoraaga Faallada Abdikadir Dooy

Sideed sano kadib (2004tii) ayaa waxaa dhamaaday cimrigii loogu tala galay Baarlamaanka Puntland waxaana loo baahday in lasoo xulo xildhibaano, waxaa dib loogu laabtay Isimadii Beelaha waxayna soo xuleen xidhibaano u badan dadkii ay horay usoo xuleen sanadkii 1998kii , waxaa kol kale soo laabtay xubno badan oo aan buuxin Karin shuruudaha xildhibaanimada ee dhanka cilmiga mamulka maadaama shardiga qura ee lagu xiray markii lasoo xulayey u ahaa inuu Beesha ka dhashay uuna so diray Isimkii saxda ahaa.

Sidoo kale (2008) Xildhibaanadii lasoo xulay waxay noqdeen kuwo soo seddex noqday amase labo noqday, waxay taasi curyaamisay heerkii waxqabad ee laga filayey golaha Baarlamaanka, waxay noqdeen dad aan fahansanayn masuuliyadda saran iyo waxa ay uga gola fadhiyaan dadka ay matalaan,waxay noqdeen kuwo u kala tartama madaxtooyada taasne way sii marin habaabisay.
Hoolka Baarlamanka Dowlada Puntland

Mudadii 15ka sano ahayd ee Aqalka Baarlamaanka Puntland dhisnaa ma jirin wax weyn oo iska badalay wajiyadii soo fadhiyey, waxaa isbadalay oo qura Mudanayaashii dhintay oo wiilashooda lagu badalay,taas macnaheedu waxa weeye inaan la fahansanayn muhiimada xildhibaanimada ee loo joogo oo qura in laga helo masaariifta reeraha.

Afar xukuumadood kadib dadka reer Puntland waxay filayeen inay cododkooda dhiibtaan oo ay soo doortaan xildhibaano si dhab ah u matala, Golahana laga daayo gole dhaxaltooyo loona badalo gole si dimuqraadi ah ku yimaada. Ciddii doonta dhaliisha ha yeelatee ma suurta galin in shacabka fursad lasiiyo oo ay soo doortaan dadka matalaya, waxaana dib loogu laabtay Isimada Puntland si ay usoo xulaan xildhibaanadii dooran lahaa xukuumadda cusub ee la filayo sanadka cusub.
Sawirka Madaxda Puntland 15-kii sano ee jirtey.

Inkastoo uu jiro baraarug weyn, xaaladuna ay ka xamaasad badantahay kolalkii hore, lana sameeyey urur siyaasadeedyo badan oo aqoonyahano iyo qurbo joog hoggaaminayso hadana mastaradii Isimadda ay wax ku cabiri jireen isma badalin, ma jirto cabir la isticmaalayo oo aan ka ahayn qabiilka ma kasoo jeedaa, hadii sidaas ay noqotane waxaa soo laabanaya in badan oo kamida xildhibaanadii dhaxaltooyada iyo dad badan oo hanan Karin masuuliyadda shacabka ka saran.

Talo soojeedin:

Waxaa ugu haboon in haatan Baarlamaanku meel mariyo lifaag qeexaya shuruudaha laga rabo ruuxanqonaya xildhibaanka, laguna xiro inuu haysto ugu yaraan heerka koowaad ee jaamacadda (First degree), da’diisu aysan 60 sano kaweynayn, 25 sanona ka yarayn. kama filaayo in baarlamaanka hadda joogaa ay samaynayaan midaan waayo in badan oo iminka damac soo laabasho hayo sharuudahaan ayaa reebaya.

Waxaa kaloo samayn kara shuruudahaan Guddiga Xulista Baarlamaanka ee la filaayo inay soo kala magacaabaan Xukuumadda iminka jirta iyo Musharixiinta madaxa banaan sidii caadada hayd, hadii lasoo xulo xubno aqoon ku filan leh waxay saamayn wanaagsan ku yeelanaysaa shaqada Golaha wakiilada ee ah la xisaabtanka, hagidda iyo sixidda xukuumadda.

Saadaashu waa guul.

Qore: Abdikadir Dooy
Dooy11@gmail.com.