digg icon delicious icon

Faallo: DAGMADA JARIIBAN IYO BARNAAMIJKA GPLG,,,DUUDSINTA XAQII JARIIBAN…(( Sawiro ka turjumayada Dagmada ))

October 12, 2011   //     //   Articles

Taarikh Kooban oo an ku hormarayo Dagmada Jariiban si aad u fahantaan dulucda maqaalkan.

Jariiban Waa dagmo ka tirsan Dagmooyinka Gobolka Mudug Waxayna dhacda Bariga Mudug , Dagmada waxa ay ka mid tahay Dagmooyinka ay ka kooban yahiin Gobolka Mudug ,Waxaana lagu tiriyaa Dagmooyinka ugu Qadiimsan uguna Qeyraadka Badan .
 
Dagmada Waxa la aas asay oo la dagay xiligii Sayidka, ka horna waa la degenaa taariikhda waxaa lagu sheegaa 1910-kii, inkastoo dadka ganacsataduna ay degeen 1940-kii, waxaana degmo ahaan loo aqoonsadey 1964-tii, waxaana soo marey (9) Gudoomiye Degmo iyo (3) Duq-magaalo, waxaana jirey marar Gudoomiyaha iyo Duqa-magaalada xilkoodu uu isla hayney hal ruux.

Dagmada Jariiban waxay leedahay oo dowladii shacabka ka hirgalisay dhamaan xuramaha dowliga ah, sida Maxkamadii Degmada, Xarun Xanaanada Xoolaha, Boostada iyo Is-gaarsiinta, Maaliyadii, Iskuul iskaa ay ku dhisteen shacabka Degmada oo ka kooban 3 Qol oo ilaa iyo hada aan dhismihiisa la bedelin, Xabsigii Degamada, Saldhigii Booliiska iyo Guriga Gudoomiyaha Degmada iyo kan Duqa-magaalada oo hal isku ahaa , Wakaalada Biyaha .
Dagmada Jariiban waxa hoos yimada oo ay maamusha , 18 Tuulo oo afar ka mid ah ay waaweyn yahiin , waxa hada tirada tuulooyinka hoos yimada ay marayaan 47 Tuulo Qaarkoodna noqday Magalooyin Waaweyn lehna , Xarumo Cafimaad , Adeegyada Dhaman tood sida korontada Haben Iyo Malin ah , Biyaha , Isgaarsiin .

Aan u soo Daadago Horumarka ay hada gaartay Dagmada iyo Dhaq-dhaqaqa Dimuqraadiyada .

Shacabka dagmada oo kaashanaya Qurba Joogta Iyo dadka dhaqalaha leh ee ka soo jeda Dagmada aya waxay hirgaliyeen in ay dhisaan jidka isku xira Jariiiban Iyo Garacad oo ah magalo xeebedka dagmada uu hodanka ku yahay jidkaas oo aad u bur bursana dadkuna ay aad ugu dhib qabeen maridiisa waxay fuliyeen in jidkaasi noqdo mid looga mid ay aad uga badalay sidii hore .
Shacabka dagmada waxay ku tilaabsadeen in ay ka hortagaan Burcad badeedka Dagmada Faraha ba’an ku haya iyada oo Dowladii dhexe ku gabtay Taagerida Iyo in ay la dagaalanto Burcada Dagmada Dhibeysay waxayna aad ugu guuleysteen in ay xadidan in dagmada jariiban ay noqoto Xarunta Burcad Badeeda , sidoo kalena waxay dadaal dheer ugu jiran in ay Garacad ka sifeeyan iyaga oo u maraya Sifo kasta .

Doorashadii Golaha Deganka Jariiban

Odayasha iyo shacabka iyaga oo ka duulaya fulinayana in Amarka Dowlada dhexe ee ah in Dagmo kasta laga fuliyo Gole Deegan , Waxay ku guuleysteen Tarikhdu Markay aheyd 11/08/2010 in Gole deegan yeelato waxana ka soo qeyb galay Saraakishii ku Howlaneyd Dhismaha Golaha Deeganka Una xilsaarneyd Dowlada Dhexe Sida .
1-Wasiir kuxigeenka Wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose
2-Wasiir kuxigeenka wasaarada Haweenka iyo arimaha qoyska
3-Wasiirka wasaarada Cadaalada iyo arimaha Diinta
4-Agaasimayaal iyo la taliyeyaal
Waxana lagu doortay Golahii Deganka Degmada Jariiban Oo Ka koobnaa 21 xubnood Isla markaasna Sadex ka mid ah ay ahaayeen Haween ma mid ah Golaha Deganka Degmada Jariiban, Sidoo kale Golaha Deeganka Dagmada Jariiban Waxay Doorteen Gudoomiyihi Golaha Ahna Gudoomiyaha Dagmada , Iyo Kuxigeenkiisi .

Aan u soo gudbo Dorashada ka dib Iyo Puntland

Waxa jira Barnaamij Ay iska kaashanayaan Dowlada Dhexe Ee Puntland Iyo Hey’adaha Qaramada Midobey u Qaabilsan Horumarinta , Barnaamijkas oo magacisa la dhaho JPLG, Waxa lagu taageraya Degmooyinka leh Golaayaasha Deganka Iyada oo la siinayo Dagmadii Buuxisa Xeerka Ama qodobada la isla gartay uguna horeeyan ,
In Dagmadu Ay leedahay Gole Deegan
In Ay Doortan Gudoomiye Iyo Kuxigeenkisa
Aan dib idin xusuusiyo shir u socday malmahan Dowlada Puntland Wasarada Arimaha Gudaha Oo qabilsan howsha fulinteeda iyo Hey’adaha in ay soo hadal qaadin Horumarka iyo Dorashada ay gaartay Dagmada Jariiban , Maxa ka indho tiro in ay siiyan Dagmada Jariiban Xaqeeda.
Waxa aan la socona in Degmo kasta oo so buuxisa Qodobadaas an horey u soo shegey in hey’adaha iyo Dowlada dhexe ku taagereyso Lacag ay ku horumariyaan Arimaha dagmadaas taas oo dhan $ 75,0000.

Away Gobolka Mudug Wasiiradii Iyo Xubnahii Barlamaanka Aha ee laga soo dortay Gobolka Mudug Miyeysan ka hadli karin ama u soo dhicin karin Xaqii Uu Gobolka Iska laha ama dagmooyinkiisu lahayeen.,BAL MUXU MICNOOYOW I TARAY MINISTARKAN DOORTAY .

Miyeysan aheyn kala qob qobid iyo soo kala dhoweysasho in Dagmooyinka buuxiyay Qodobada Laga rabay , Gaarayna Dimuqraadiyad Dowladu ka tilaabsaneyso Maxa ku kalifay in wasiirka Arimaha Gudaha uu garan waayo xaqa ay leedahay Dagmada Jariiban .
Mah-mah baa waxay tahay ,

WAXAAD QARSATAABA WEY KU QARSADAAN,
NIMAAN HADLIN HABARI MAY DHALIN,
NIN AF LEH BAA ABAAR KA BAXA .

Shacabka Iyo Dhaman Bulshada Reer Jariiban Iyo Dhaman Reer Mudug in ay ku Baraarugan waxa ka socda Puntland ,Sidoo kale waxan ugu baaqaya Maamulka Degmada Jariiban in uu ka hadlo Waxa ka socda Puntland Dhexdeeda , Sidoo kale Aqoonyahanadu Aamuska ha ka baxeen , Horumarku ma ahan in Qori aan ku raadino waxan rabno ee an Qalinka aad barateen Ha lagu Raadsho.
 
Waad ku mahad san tahiin waqtiga aad siisen Aqrinta faladaan.

Abdullahi Yusuf Hussein ( Hajji )
Lusaka, Zambia
E-mail. Xaajiyow@hotmail.com
 

Readers Comments (0)