Articles, Dhacdooyinka Puntland, News

Faalo:- Gallan Guul Darada iyo Geedi Socodka Nabada Puntland

Puntland waa Dowlad 18-Sano jirsatay oo ku Dhisan  midnimo, Dimuquraadiyey ,Daganaasho Siyaasadeed  iyo Mid Amaan Ismarkaana ku tilaabsatay Horumar Dowladanimo oo dhinacyo badan leh.

Dowalada iyo Shacabka Puntland ayaa u taagan Dhismaha Dowlada Xoog badan oo Soomaaliya ay Yeelato waxaana Puntland ay Martigalisay Shirar Muhiim ahaa oo Horseeday Dhismaha Dowlada Federaal ah ka dib Dhowr iyo 20-sano oo Bur-bur iyo Dagaal Sokeeye Dalku uu kujiray Taas oo,Caalamkuna uu Aqoonsado Walina Hamiga Puntland  waxa uu yahay in lagaa Qaranimo xoogan oo ka heer sareysa Xiligii Soomaaliya loo yaqaanay Jamhuuriyada Dimuquraadiga ee wixii ka Horeeyey  Sanadkii 1991.

Bulshada Puntland Dal iyo Dibda waxa ay gareysan yihiin Horumar balaaran ee Puntland ay ku tilaabsatay taas ku timid Hagaanka Wanaagsan iyo Hufnaata Ha’yadaha Dowlada Xasiloonida oo Puntland ay tahay halka ugu xasiloonida Amniga badan Soomaaliya iyo Guud ahaan Wadamada Geeska Afrika.

Waxaa Jira Hagar Daamooyin badan oo Puntland kaga imaanaya meel kala duwan oo dal iyo dibadba leh oo ayka mid yihiin Argagixiso iyo Dhuuni qaatayaal u shaqeeya Cadow Diidan Horumarka iyo Xasiloonida  Puntland  isla markaan doonaya in Puntland ay ka dhigaan si la mid ah Golada Bur-buray ee koofurta Soomaaliy kuwaas oo wali Dadkii soo cararay ay ku sugan yihiin Gobalada Puntland.

Hadaba yaa ka mid kuwa u Adeega Cadowga Dowlada iyo Shacabka Puntland?

Gobalka Bari oo ay ku Taalo Xaruunta Ganacsiga Dowlada Puntland ee Boosaaso Deegaano ka tirsan waxaa Maalmihii danbe ka jirtay Xiisad ay kiciyeen Malayshiyaad Hogaaminayo Gudoomiyihii hore Gobalka Bari C/samad Maxamed Gallan oo u muuqda in uu yahay Shaqsi Bareeray Bur-burinta Xasiloonida, Daganaashaha iyo Midnimada Shacabka Soomaaliyeed ee Dhulka Balaaran Dowlada Puntland.

Dagaal Ooge Gallan oo adeegsanaya Cududa Dhalinyaro oo Aad u da’yar iyo wax Magarato uu marin Habaabiya ayaa Xaruunka Dhigta Degmada Taariikh ah ee Carmo oo qiyaastii 30-km u jirta Magaalada Boosaaso taas oo uu ku yaalo Saldhiga Tababarka Ciidamada Booliska Halkaas oo uu Gallan ka soo maleeyo Dhagarta uu ku hayo Dowlada iyo Shacabka Puntland oo hada ku howlan ka shaqeynta Nabada iyo Horunka Dhulkooda.

Dowlada Puntland oo Awood Buuxda u leh inay Daqiiqado kooban ku soo Afjarto Malayshiyaadka Gallan ayaa wax ay ugu baaqaysaa in uu si nabad iskugu Ganacta Ciimada Militariga Dowlada Puntland si looga baaqsado Dhiig data.

download

W/D: Puntland Voice Team