News

Fariisimo Alshabaab ku lahaayeen Koonfurta soomaaliya oo la duqeeyey

(puntlandVoice, Garowe)

Gantaalo laga riday diyaaraddaha dagaalka ayaa lagu garaacay fariisin maleeshiyadda alshabaab ku lahayeen tuuladda ilmey oo 80Km kaga beegaan koonfurta Caasumadda Soomaaliya, ee moqdishu, mana cadda cidda weerarkaas gaysatay hadana Dawladda maraykan ayaa tiro kadhawr jeer dukhaymo la beegsatay fariisimo alshabaab ku lahaayeen Koonfurta Soomaaliya, iyadoo lagu dilay saraakill sar Sare oo ka tirsan alshabaab,

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka shabeeladda Hoose Ali Nuur ayaa sheegay in duqaynta lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen ciidamadda alshabaab, halkaasna waxyeelo ka soo gaadhay alshabaab,

Dhanka kale amiirka alshabaab ee Gobolka shabeeladda dhexe Maxamed Abuu usaama ayaa beeniyey in alshabaab ay wax yeelo ka soo gaadhay weerarkaas, wuxuuna sheegay in gabi ahaanba wax khasaaro ah ka soo gaareen alshabaab,

Gobolka shabeeladda dhexe ayaa badanaa waxaa gacanta ku haya alshabaab waxaana dagaalo ku dhex maraan ciidamadda dawladda iyo amisom oo is garabsanaya iyo kooxda Alshabaab.

Puntland Voice

PuntVoice@gmail.com