digg icon delicious icon

Farmaajo iyo wasiiradiisa oo Galabta diiday inay ka qeybgalaan shirka Nayroobi

March 31, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):-Shir xasaasi ah oo galabka ay Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada Dowlada KMG Soomaaliya ayaa si cad loogu qaadacay shirka nayroobi ka furmi doona bisha soo socota.

shir ay yeesheen Wasiirada ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ay ka mid ah ahaayeen in wasiiradu marna ka qeybgeli doonin shirka bisha april ka furmi doona magaalada Nayroobi kaasoo qaramada Midoobey ay u qabaneyso dhinacyada Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada KMG ah ahna Ra’iisulwasaare ku xigeen ayaa sheegay in shirka galabta uu shir gudoominayay Ra’iisulwasaare Farmaajo islamarkaana ay isku raaceen inaan laga qeybgelin shirka isagoo u sababeeyay in shirkaasi ula muuqdo iyaga mid soomaalida lagu sii kala qeybinayo.

“shirka 14-ka Apriil ka furmaya Nayroobi waa midaan maslaxad u ahayn soomaalida islamarkaana uu yahay shir ka soo horjeeda midnimada Soomaaliya”ayuu yiri C/xakiin Xaaji Fiqi oo ah wasiirka gaashaandhiga kaasoo wariyayaasha la hadlayay shirka kadib

C/xakiin Xaaji Fiqi waxaa kale uu sheegay in shirkaasi xaqiraad ku yahay waxqabadka xukuumada mudadii yareyd ee ay jirtay.

 Sidoo kale wasiirka warfaafinta Dowlada KMG ah Cabdikariin Xasan Jaamac ayaa sheegay inay u diideen sgrka nayroobi markii ay falanqeeyeen qodobada shirka looga hadlayo oo aan dan u ahayn soomaalida sida uu sheegay.

ergeyga Qaramada Midobey ee arimaha Soomaaliya Augostine Mahiga ayuu ugu baaqay Wasiirku inuu ixtiraamo dastuurka iyo axdiga Dowlada KMG ah Soomaaliya.

Kulanka wasiiada ay galabta yeesheen ayaa bog cusub oo is faham waa ah waxaa uu ka dhex bilaabayaa qaramada midoobey iyo xukuumada uu hogaamiyo Farmaajo.

dhanka kale warar hoose ayaa sheegaya in wasiirada ay u cuntami waysay markii Mahiga uu si cad shalay u diiday waqti kordhintooda isagoo ku tirtirsiiyay in dowlad cusub la dooran doono.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)