Puntland Voice

Gaalkacyo oo laga fuiyay howlgal lagu soo qabtay maandooriyaha Qamriga
Gaalkacyo(PV):-Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa maanta ciidamada Boliisku ka sameeyeen howlgal ay ku soo qabteen maandooriyaha Qamriga loo yaqaan.

Qamriga ay soo qabteen Ciidamada Booliska ee gobolka Mudug ayaa la sheegay inuu ahaa 500 dhalo ah kuwaasoo dhamaantood ay qamro ka buuxeen lana doonayay in magaalada lagu iibiyo.

Soo qabashada qamrigaan ayaa ka danbeysay kadib howlgal maalmahaan danbe ciidamadu ka wadeen xaafadaha kala duwan ee Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka waqooyi.

Diinta Islaamka ayaa xaaraan ku ah isticmaalka qamriga oo maandooriyaha kuwooda ugu xun ka mid ah islamarkaana qofka maankiisa wax badan ka badala.

Si kastaba boliiska Gobolka Mudug ee dowlada Puntland ayaa lagu wadaa inay ilaa maxkamad la tagi doonaan kooxaha lagu soo qabtay iyagoo ka ganacsanaya qamrigaasi madaama dowlada puntland hore u mamnuucday qamriga.

Wasaarada Beeraha Puntland oo ka hadashay qorshe cusub oo lagu horumarinayo beeraha Puntland
Garoowe(PV):-Wasaarada Beeraha dowlada Puntland oo ka mid ah wasaaradaha ugu dhaq dhaqaaqa badan dhanka horumarka ayaa shaacisay inay heyso qorshe cusub oo lagu horumarinayo beeraha Puntland iyo mid lagu keydinayo biyaha xilli roobaadka ee deegaannada Puntland.

Qalabkaani cusub ee beeraha loo adeegsanayo ayuu sheegay wasiirka beeraha Eng, Maxamuud Xaaji Saalax in xili dhow la geyn doono beeraha Puntland si loogu manaafacaadsado.

Eng, Maxamuud Xaaji Saalax waxaa uu tilmaamay in qalabka lagu keydinayo biyaha roobka uu yahay mid loogu talo galay in la isticmaalo xiliyada roob la’aanta ujeedka arintaasi loogu dadaalayna ay sidaa tahay.

Wasiirka Beeraha Eng, Maxamuud Xaaji Saalax wuxuu xusay inuu booqan doono deegaanka Eyl ee gobolka Nugaal islamarkaana uu soo kormeeri doono beero farabadan oo deegaankasi ku yaala kuwaas oo si guud ay u wada saameeyeen roobabkii dhawaan ka da’ay deegaankaas

Wasiirka ayaa balan qaaday inay wax badan ka qaban doonaan mustaqbalka dhaw inta lagu jiro xilli roobaadkan oo hada bilow ah islamarkaana ay hirgalin doonto qorshayaal lagu kaydinayo biyaha

Xafiiska Garoowe

puntlandvoice.com

Islaan Bashiir oo sheegay inuusan Muqdisho u joogin ka qeybgalka shirka odayaasha
Muqdisho(PV):-Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo jimcihii ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa saxaafada qaar u sheegay in muqdisho uusan u tagin ka qeybgalka shirka odayaasha Soomaalida ee lagu soo xulayo odayaashii ansixin lahaa dastuurka cusub.

Islaam Bashiir waxaa uu tilmaamay inuu u yimid Magaalada Muqdisho casuumaad sharaf uu ka helay Odayaasha ku shirsan Muqdisho balse uu u safri doono dhawaan dalalka Imaaraadka carabta iyo Turkiga.

Islaam Bashiir wuxuu Muqdisho kulamo kula qaatay intii uu joogay Odayaasha Dhaqanka Muqdisho, Odayaasha dhaqanka ee ka kala yimid gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxayna ka wada hadleen sidii shacabka Soomaaliyeed ay u midoobi lahaayeen oo ay uga shaqeyn lahaayeen wadajirkooda iyo horumarkooda.

Odey dhaqaameedkaani sida weyn looga yaqaan Soomaaliya gaar ahaan puntland ayaa guud ahaan soomaalida ugu baaqay midnimo iyo wadajir dhexdooda ah taasoo wax kasta lagu gaari karo oo horumar ah.

Mar warbaahintu wax ka weydiisay warar aad loo shaaciyay oo ahaa inuu xamar u yimid sidii uu uga qeybgeli lahaa shirka odayaasha ee lagu soo xulayo odayaasha ansixinaya dastuurka waxaana uu ku gaabsaday in wax shaqo ah uusan ku laheyn shirkaasi islamarkaana kulamo gaar gaar ah kadib uu u sii safri doono dalal uu awalba u sii socdey gaar ahaan dalka Turkiga

Islaam bashiir waxaa uu Dalka Turkiga kaga qeybgeli doonaa shir isimada oo dhan lagu xasuumay loogana hadli doono arimaha Soomaaliya balse maanta oo lagu wado inuu ka dhoofo muqdisho ama beri waxaa uu ku hormari doonaa Dalka Imaaraadka Carabta halkaasoo turkiga uu kaga sii gudbi doono.

Xafiiska Muqdisho

puntlandvoice.com

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay Adis Ababa.+Sawiro
Muqdisho, Axad, 20, May, 2012———- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka Aadan-cadde International ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaraha horkacayay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ku saleysan in Magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia ay kaga qeyb galayaan Shir ay isugu imaanayaan Saxiixayaashii Roadmap-ka oo lagaga hadlayo dhameystirka Barnaamijka Kumeel Gaarka.

“Socdaalkeena Waxa uu ku saabsan yahay shir aan kaga qeyb galeeno magaalada Adis Ababa Saxiixayaashii Roadmap-ka, Waxaana ku kulmeenaa Soomaalida iyo Bulshada Caalamka”.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa sheegay in Shirka Adis Ababa ee dalka Ethiopia ay soo qaban qaabisay Xafiiska Siyaasadda ee QM u qaabilsan Soomaaliya ee UNPOS islamarkaana lagaga arrinsanayo sidii loo dhameystiri lahaa Barnaamijkii Roadmap-ka ayna tahay in la isku yimaado oo laga arrinsado hor u sii socodsiinta howlihii Roadmap-ka waxii hormar laga sameeyayna laga wada hadlo wixii dhiman sidii loo dhameystiri lahaa.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu isna ka soo qeybgeli doono shirka maadaama uu ka mid ahaa Saxiixayaashii Roadmap-ka Iyadoona ay Maamuladda Galmudug iyo Puntland ka soo qeyb galayaan.

-DHAMAAD -

Abdinor Abdikadir Mohamed(Daacad)

Deputy of Communication Director, office of the PM

Mobile: +252-615244689

+252-699 070907

Mogadishu, Somalia

Howlgal saaka laga sameeyay Suuqa Bakaaraha iyo Ganacsiga oo aroortii hore xirnaa
Muqdisho(PV):-Wararka saaka aan ka heleyno goob joogayaal ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in saaka ciidamada nabad sugida Dowlada KMG ah Soomaaliya ay ka wadaan suuqaasu howlgal baaitaano ah.

baaritaanada saaka ayaa sababay in gabi ahaanba uu xirmo ganacsigii suuqaasi iyadoo ciidamadu saaka aroortiiba xireen isku socodka dadka iyo gaadiidka gaar ahaan wadooyinka gala suuqa iyo kuwa ka baxa.

Wararka ku dhow dhow taliska nabad sugida Dowlada KMG ah ayaa sheegaya in ciidamadu baaritaano ku sameynayaan saaka goobaha ganacsiga qaarkood kuwaasoo loo maleynayo inay bartimaameed u yihiin ciidamada nabad sugida lamana yaqaan inta ay ku qaadan doonto ciidamada Nabad sugida.

Baaritaanada ayaa la sheegayaa inay ka danbeyso kadib qaraxo shalay suuqaasi ka dhacay kuwaasoo lala eegtay ciidamada Dowlada KMG ah taasoo keentay dhimashada 2 aksari iyo 3 shacab ah iyo waliba dhaawac ku dhawaad 10 ruux.

Sidoo kale waxaa saaka maalintii labaad galaya burburinta dhismayaasha sharci darada ah ee gudaha suuqa xili shalay howlgal balaaran oo burburin ah suuqaasi ay ka sameeyeen maamulka Gobolka Banaadir oo qalab burburinta wata islamarkaana garab ka helaya boliiska iyo n abad sugida.

Dagaal dhimasho iy dhaawac sababay oo Maanta Baladweyne ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Dowlada KMG ah
Baladweyne(PV):-Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ciidamada Dowlada dhexdooda ku dhexmaray galbeedka Baladwyne  gaar ahaan xaafada buund weyne.

Dagaalka saaka oo salka ku hayay is qabqabsi lacago cabshuuraad lagu sheegay oo cidiamada qaar ka qaadi rabeen baabuur wadada marayay kaasoo siday Bal iyadoo cidiamo kale ay diideen in lacagtaasi la qaado taasina waxa ay keentay in dagaal uu ka dhex qarxo labada dhinac sida uu xogta ku helay webka jawiil.com.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan helnay ayaa sheegaya in ilaa 3 askari ay ku dhinteen iska horimaadka saaka dhexmaray cidiamada Dowlada dhexdooda kaasoo ugu danbeyn ay soo kala dhexgaleen ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasoo xoog ku kala celiyay ciidamadii dagaalamayay.

Ciidamada ay qabteen Itoobiyaanka ee ka tirsan kuwa dowlada ee Hiiraan ayay saraakiisha Itoobiyaanku sheegeen inay maxkamad soo taagi doonaan.

Xafiiska Muqdisho

baladweyne-Hiiraan

Augustine Mahiga oo Somaliland ugu baaqay inay ka fiirsato xukuno dil ah oo ay dad shacab ah ku qaaday
(puntlandvoice.com):-Wakiilka Qaramada Midoobe ee arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ka digey in maamulka Soomaaliyeed uu fuliyo go’aan dhawaan ka soo baxay maxkamada Hargeysa taasoo dil ku xukuntay 17 ruux.

Mahiga waxaa uu xusay in iska hor imaad uu ka dhex abuuri karo shacabka iyo maamulka Somaliland hadii lagu dhaqaaqo xukunka maxkamada ka soo baxay.

“waxaan ka walwalsanahay sida ay wax ku socdaan gaar ahaan isku dhacyadii ugu danbeeyay kaa oo ay ku dhawaad 10 ruux ay ku dhinteen iska horimaad u dhaxeeyay ciidamada amaanka maamulka Somaliland iyo dad shacab ah oo ka soo horjeeday bixinta dhul kuyaala bariga Magaalada Hargeysa oo leeyihiin ciidamada militariga Somaliland”ayuu yiri Mahiga

Augustine Mahiga Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka digay in hadii rabshadahaasi ay sii socdaan ay ka dhalan karaan xumaan iyo sii kala ,fogaansho soo wajaha maamulka la baxay Somaliland.

Mar uu si gaar ah uga hadlayay xukunkii asbuucii hore maxkamada Hargeysa ay dilka ugu xukuntay 17 ruux ayuu sheegay Mahiga Augustine Mahiga ay tahay mid colaad ka dhex abuuri karta maamulka iyo shacabka Somaliland.

Madaxda sare ee Maamulka Somaliland ayuu ugu baaqay inay in ay ka fiirsadaaan xukunkaasi si aysan u dhicin amaan daro dhinaca Shacabka ah

Xafiiska Muqdisho

puntlandvoice.com

Duqa Garoowe oo Maanta xariga ka jaray wadada meereysane
Garoowe(PV):-Dhismaha wado dhexmarta magaalada garoowe oo la dhameystirey ayaa ugu danbeyn waxaa xariga ka jaray Duqa Magaalada Garowe Mr.C/casiis Nuur Cilmi.

Wadada Meeraysane oo waqtiyadaan danbe howlo laga waday ayaa lagu shubay iyo jay waxaana dadaalkaasi gacan weyn ka gaystay dowlada Puntland.

C/casiis Nuur Cilmi Duqa degmada Garowe ayaa saxaafada u sheegay in la dhamaystiray dayactirka wadadaasi lagu waday islamarkaana maanta ay xariga ka jareen Wadada agu magacaabaio Meeteysane oo ah wado isku xirta Laamiga iyo Jidka Soddonka oo qiyaas ahaan 1200 Mitir oo loo dhisay hab JAY ah dhaawaana lagu sii dari doono 2KM oo jidka Soddonka ah.

Mas’uulkaani waxaa uu intaasi ku daray in wadadani loogu talagalay in ay maraan Gawaariada Xamuulka ah ee isaga kala gooshta gobollada dalka islamarkaana xambaarsan Miisaanka weyn si aysan magaalada u soo dhex marin Miisaanka badan iyo Xawaaraha mashquulka ah ee ay ku marayaan wadada laamiga ah.

C/casiis Nuur Cilmi waxaa kale uu sheegay in jiraan dhawr wado oo kale oo magaalada ah kuwaas oo ay ku wadaan dayactir balaaran kadib burbur ay ku reebeen biyo dhigii roobabkii badnaa ee ka da’ay magaalada iyo Nawaaxigeeda.

Sidoo kale Guddoomiyaha wuxuu sheegay in qaab laami ah loo dhisi doono Wadada Eng, Khaalid oo ka mid ah 5 wado oo dayactir lagu sameeyay sanadkii la soo dhaafay ee 2011-ka.

puntlandvoice.com

Roobab daadad wata oo ka da’ay qeyb ka mid ah Gobolka Mudug
Xarfo(PV):-Gobolka Mudug deegaano oo hoostaga waxaa ka da’ay roobab  daad wata kuwaasoo aad u badnaa waxaana ay gaysteen khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed gaar ahaan dadka beeraleyda ah.

Degmada Xarfo deegaano hoos taga waxaa maray daadad roobabka ka dhashay kuwaasoo khasaare hantiyeed ka gaystay Tuulada Gosol iyo meelo kale intii ay socdeen daadku ama fatahaada.

Maamulka degmada Xarfo ayaa ka hadlay dhibaatada ay gaysteeen roobabkaasi isagoo si gaar ah u tilmaamay in tuulada Gosol uu khasaaraha ugu badan gaarsiiyay roobku

Cabdilaahi Faarax Beele Gosol oo ah Duqa Degmada Xarfo wuxuu carabka ku dhuftay in gabi ahaanba guryihii tuuladaasi ku yiilay ay dhulka galeen islamarkaana tuuladaasi noqotay mid daadadka dabeysha ka dhasha oo kale ay dul mareen.

“tuuladaani oo 35-km Xarfo u jirta ma jirto cid wax ku noqotay waxayna dadkii tuulada dhamaantood u baxsadeen buur dheer oo tuulada gees kaga taal”ayuu yiri duqa xarfo

puntlandvoice.com

Qarax ay ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux oo askar u badan oo maanta ka dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho
Muqdisho(PV):-Qaraxyo xoogan oo bam gacmeed iyo miino isugu jira ayaa maanta ka dhaxay degmooyin ka tirsan Muqdisho kuwaasoo gaystay dhimashada ku dhawaad 10 ruux.

Qarax ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha waxaa ku dhintau ilaa 5 ruux oo 2 askar ahaayeen halka 3-da kale ay shacab ahaayeen sida aan wararka ku helnay kadib markii la soo weeraray ciidamo dowlada ka tirsan oo gudaha suuqa ka waday howlo lagu burburinayay dhismayaasha sharci darada ah wadooyinkana lagu furayay.

Bam gacmeedyo ayaa lagu weeraya taasoo wax badan u dhintay howlihii ganacsi ee suuqaasi ka jirey iyo waliba tii burburinta dhismayaasha sharci darada ah.

Sidoo kale qarax kale oo ka dhacay xaafada gubta ee degmada deyniile ayaa waxaa ku dhintay ilaa 3 askari oo dowlada ka tirsan kuwaasoo miino ay la kacday markii wadada loogu aasay.

Ciidamo ka tirsan ayaa iyagana qarax lagu beegsaday nawaaxiga mowlaca sheekh cali cabdule ee degmada kaaraan waxaana uu gaarsiiyay askarta amisom qaraxaasi dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan tiro sugan laga heyn.

Baabuurka ayaa gabi ahaanba gubtay xili xitaa askar kale oo u soo gurmatay ay wax ka qaban waayeen gudabashada gaarigaasi oo meesha ku basbeelay waxaana dadka deegaanka ay sheegee inay jirto dhimasho iyo dhaawac askarta soo gaaray.