digg icon delicious icon

Fiqi-Bashiir Abdulle Cismaan oo lagu soo dhaweyey waddanka Australia-magaladiisa Melbourn.+SAWIRO

April 17, 2013   //     //   News

Fiqi-Bashiir ayaa waxaa dhowaan loo doortaya hagaanka dhaqanka ee Beeshiisa Reer-Xirsi ee Oma-Mohamud,iyadoo ku timid rabitaanka dadkiisa oo markii somaliya ay daba dheeradeen dagaaladii sokeye oo dadkii naafeeyey oo ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee somaliya ayaa Beeshu waxay go,aan satay inay hogaankaan dhisato,wxaan lagu duubay Baliga Jeedaley ee Bacad-weyn u jira sideed-kilomitir.

Hadaba markii ay dhamatay caan shubkii iyo duubistii ayaa fiqiga waxa uu martiqaadyo kala duwan uu ka helay wadanka dibadiisa,oo uu markii u horeysay uu ka bilaabay waddanka Sweden oo halkaas ay isugu yimaadeen Beelaha Somaliyeed oo dhan ,oo uu ka warbixiyey waddankii somaliya inuu weli dhaqan yahay oo sida loo qabo uusan ahayn,waana ogahay oo jaaliyaduhu waa ay ka warqabaan waddankoodii oo waa dadka dadka utabaruca haddii ay noqon lahay inay kii agoon ah kii aan dhaqaalo lauah reerkoodu ay ka bixiyaan waxbarasho iyo daaweyn iyo xanaanada bini-aadamka loogu tala galay.

Hadaba ,markii Fiqiga martiqaadkii wadamada laysku yiraado skandan danefiyaanka ay udhamaatay ayuu wxaa uu ka helay marti qaad,wadanka Australia oo halkaas ay joogaan Somali badan oo aad ugu xiiso qabta Isinka Cusub oo ku soo biiray Isimada Somaliyeed kana qayb qaadanaya doorkii somalinimo.

waxaa hawshaan martiqaadka hogaaminayey ,nin oday ah oo magac iyo sumacad ku leh Australia oo ahaa gudoomiyihii ugu horeeyey ee jaaliyada Australia,mudane Yasiin Mohamed Farah[Diihaal].

waxa kaloo ka soo qayb galay bulshoweynta somaliyeed aqaybaheeda kala duwan oo aan ukala harin iyo Isimo uu ka mid yahay Garad Ali Buraale iyo wasiiro iyo siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo aqabtay dawladii soamalia,wxaa kaloo joogay Qunsulka Austarlia uu fadhiya Somaliya mr,yoonis,wxaa klaoo shirka daadihinayey Gudoomiyaha Jaaliyada Australia Dr.Saciid shiinle iyo dhallinyaro aad ubadan oo waddankooda magac iyo sumacda ku leh iyo hablaha oo iyaguna soo bandhigay xaflad maamus sare leh oo ay hogaaminaysay safiyo Horeeye oo weliba madasha ka tirisay Buraan bur adduun ka oo dhan soo jiitay.

Xafiiska wararka ee melbourn/australia







Readers Comments (0)





− 2 = two