Gaalkacyo oo laga fuiyay howlgal lagu soo qabtay maandooriyaha Qamriga
May 20, 2012 // diyeeshe // NewsGaalkacyo(PV):-Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa maanta ciidamada Boliisku ka sameeyeen howlgal ay ku soo qabteen maandooriyaha Qamriga loo yaqaan.
Qamriga ay soo qabteen Ciidamada Booliska ee gobolka Mudug ayaa la sheegay inuu ahaa 500 dhalo ah kuwaasoo dhamaantood ay qamro ka buuxeen lana doonayay in magaalada lagu iibiyo.
Soo qabashada qamrigaan ayaa ka danbeysay kadib howlgal maalmahaan danbe ciidamadu ka wadeen xaafadaha kala duwan ee Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka waqooyi.

Diinta Islaamka ayaa xaaraan ku ah isticmaalka qamriga oo maandooriyaha kuwooda ugu xun ka mid ah islamarkaana qofka maankiisa wax badan ka badala.
Si kastaba boliiska Gobolka Mudug ee dowlada Puntland ayaa lagu wadaa inay ilaa maxkamad la tagi doonaan kooxaha lagu soo qabtay iyagoo ka ganacsanaya qamrigaasi madaama dowlada puntland hore u mamnuucday qamriga.
