Articles

‘Gaashaanbuurtii Gayigoodda Gabay’ Maqaal’

‘Waa Kuwee Dadka Diidan Hormarka iyo dhismaha Dekadda Bosaaso;

Waxaa jira dad kuwasoo guud ahaan ka soo horjeeda hormarka iyo amaanka puntland ku talaabsatay, gaar ahaan hormarka kaabayaasha Dhaqaalaha taasoo dawladda madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ka hirgalisay dhamaan gayiga puntland, dadkaan hormar diidka ah kuwasoo ka soo horjeedda dhismaha dekadda bosaso waxay isugu Jiraan,

1, Ganacsato kamid ah ganacsatadda puntland kuwasoo danahoodda gaarka ah ama shakhsiyadeed ka dhex arki waayey dhismaha dekadda bosaso, waxayna geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen inay carqaladeeyaan dhismaha dekadda, waxaana muuqanaysay in dantoodda Gaarka ah u burburinayaan hormarka dhamaan shacabka Puntland ku talaabsadeen,
• Waxaa jira ganacsato ka soo horjeedda dhismaha dekadda bosaso kuwasoo Sifo sharci darro ah kusoo galin jiray, badeecooyin ay ka keeni jireen waddamada Jaarka ah, ama dariska ah, waxayna ka macaashi jireen iyagoo dantoodda gaarka ah eegayaa,
• Waxaa jidhay in ganacsato wadanka soo galin jidhay badeecooyin dhacay kuwasoo inta wakhtiga ay dhacayso la cusboonaysiiyo la soo galin jiray wadanka, hormarka wadanka laga sameeyo wuxuu meesha ka saarayaa dhibatadda ay ganacsatadu shacabka ku hayso,
• Waxaa sidoo kale jira ganacsato mukhalsasiin ah kuwasoo fadhiya wadamada Dubia iyo yeman kuwasoo ka si khaldan uga macaasha badeecana u soo galiya, wadanka waxay dulaaliintaasi ka soo horjeedaan dhismaha dekadda bosaso, Qofkii sharci Darro ku dhaqmaa sharci waa diidaa, taasina keentay inay ka soo horjeestaan dhismaha dekadda Bosaso,

2: Siyaasiyiin Mucaarad ah kuwasoo danahoodda siyaasadeed uga muuqatay burburinta iyo Qalalaaso in laga abuuro Puntland dhexdeedda, Siyaasiyiintaan waxay isugu Jiraan:
• Siyaasiyiin horay Xilal Puntland uga soo qabtay kuwasoo ku fashilmay masuuliyaddii loo igamaday, waxayna is tuseen inay carqaladeeyaan hormarka ka socdda puntland gaar ahaan Dhismaha dekadda Bosaaso, iyagoo ujeedkooddu yahay in shucaac lagu furro hormarka puntland ku Tilaabsatay,
• Waxaa sidoo kale jira Siyaasiyiin taageero ka haysta dawladda shisheeye kuwasoo laaluush lagu soo siiyey inay dhibaato ka abuuraan puntland dhexdeeda, tashuushna ku furan hormarka dekadda Bosaaso,

3: Puntland waxay leedahay cadow sokeeye iyo mid shisheeye kaasoo ka soo horjeedda jiritaanka iyo hormarka puntland, waxaa jidha kooxadda Alshabaab iyo Daacish ku lug leeyihiin iyagoo falal amni darro qorshaynaya lidina ku ah jiritaanka umadda Puntland,
• Kooxaan argagaxisadda waxay qayb ka yihiin kooxaha carqaldaynaya hormarka dhismaaha dekadda Bosaso, ayagoo qorshaynaya in meesha laga saaro wax kasta oo shacabka Puntland hormar u ah, waxayna Qorshaynayaan qaybna ka yihiin in carqalad lagu abuuro hormarka ka socdda Guud ahaan puntand,

Qaababka ay Carqaldda u abuurayeen,

• Dadka carqaladaynaya Hormarka iyo dhismaha dekadda bosaso waxay shacabka puntland u sheegeen warar aan waxbka jarin, kaasoo ay shacabka ku kicinayaan, iyagoo u sheegaya in dekadda lala wareegay lana gatay, taasoo ah been abuur iyo war aan waxbna ka jirin, iyagoo ujeedkooddu yahay in la iska horkeeno shacabka Puntland ee barakaysan iyo dawladdooda,
Laakiin waxaaa Xaqiiq ah in dhismaha dekadda Bosaaso yahay mid reer puntland u horseedaya barwaaqo iyo hormar kasoo guud ahaan reer puntand ku naaloonan doonan,

• Siyaasiyiinta iyo ganacsatadda ka soo horjedda dhismaha dekadda waxay sidoo kale isticmaaleen inay qaab beeleed ku abaabulaan kasoo lagu carqaladaynayo hormarka ka socda, waxayna iyagoo shaati beeleed adeegsanaya abaabuleen maleeshiyaad si loo ragaadiyo hormarka puntland,
• Waxay sidoo kale tiro ka dhawr Jeer abaabuleen mudahraadyo aan lagu salayn wax macno ah kasoo ay dumarka iyo caruurta reer puntland ku khaldeen kuna shubeen fikarad khaldan, iyadoo fididiyey borobogandooyin ka dhan ah dhismaha dekadda Bosaso, laakiin xaqiiqdu waxay tahay in shacbkaas la khaladay, ayna ka fogaadaan fikirka khaladan oo ay ku shubeen siyaasiyiinta iyo ganacsatadda calooshooda u shaqaystayaasha ah,
• Siyaasiyiinta iyo Ganacsatadda Calooshooda u shaqaystayaasha ahi, kana soo horjeedda dhismaha dekadda waxay tiro ka dhawr jeer faalal amni darro ka abaabuleen gudaha magaaladda Bosaso, iyagoo gacansaar dhaw lala lahaa, lana shaqaynayey Kooxaha alshabaab iyo Daacish, kuwasoo iska kaashanayey in la khal khaliyo amaanka lana wax yeeleeyo shacabka puntland,

‘Talo Soo Jeedinta Shacabka puntland’

Reer puntland waa dad hormarka iyo Nabadda jecel waxayna soomaali inteeda kale uga duwan yihiin ka shaqaynta midnimadda iyo amaanka kaasoo aduunka iyo soomaali inteeda kale ku amaantay,

• Shacabka puntland waa inay ka fogaadaan cidkastoo khal khal galinaysa amaanka iyo hormarka, iyagoo halmeel uga soo wada jeesanaya, meeshana ka saran inay dhagaystaan dadka hormar diidka ah kuwasoo wiiqaya midnimadda iyo amaanka puntland,
• Shacabka puntland waa inay aqbalaan soona dhaweeyaan talaabo kastoo hormar ah taasoo dawladda puntland ka hirgalinayso wadanka, maxaa yeelay hormar kastoo la gaaro waxaa ka faa’iidaysanaya waa shacabka, dekadda bosaso waxaa loo dhisaya kana faidayan doonaaa waa shacabka Puntland,
• Shacabka puntland waa inay adeecaan una hogaansamaan awaamirta dawladoodda ay doorteen, lana shaqeeyaan, maxaa yeelay dawladdu waxay ku dhisan tahay shacabkeedda,

Puntvoice01@gmail.com

PuntalandVoice