News

Gal-Mudug oo Xidhay Dad Fujiyey Sawirka Madaxweyne Farmaajo

Dawlad Goboleedka Gal-Mudug ayaa xabsiga U Taxaabay dad lagu eedeeyey inay Fujiyeen ama Jeex Jeexeen sawirka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, iyadoo ay masuuliyiinta Gal-Mudug sheegeen inay sharciga Horkeeni Doonaan,

Dadkaan ayaa Mudahraad ka dhigay xaafadda baxarlay ee magaaladda Gaalkacyo, iyadoo la aaminsan Yahay, inay soo adeegsadeen Kooxaha Mucaaradka ah oo Fadhigoodu Yahay Mgaaladda Moqdisho,

Masuuliyiinta Gal-mudug ayaa sheegay inay wali ku raad Joogaan inay Gacanta ku soo dhigaan dadkii arintaan ka danbeeyey,

Madaxweyne Farmaajo ayaa la Filayaa inuu Gaaro deegaanadda Gal-Mudug maalinta isiinta ah ee Foodda Nagu soo haysa, isagoo safar dhulka ah ku mari doona deegaanadda Gal-mudug, madaxweyne Farmaajo wuxuu safar Dhulka ah oo Gaarayaa 1000km Ku maray Deegaanadda Puntland.

PuntlandVoice
Puntvoice01@gmail.com