News

Ganacsadde Soomaali ah oo Lagu Dilay South Africa

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Axmed shire Nuur (Miig shire). ayaa lagu soo waramayaa in koox hubeysan ay ku dhex dileen gaari uu watay xili uu kusii jeeday Dukaankaankiisa oo ku yaalay deegaanka Khayelitsha,

ninka la dilay ayaa ahaa ganacsade si wayn looga yaqaanay guud ahaan dalka koonfur africa wuxuuna ahaa ganacsatadda ugu fir fircoon soomaalidda, goobta lagu dilay ayaa ahayd wadada laamiga ah taasoo uu marayey xili uu ku sii jeeday dukaankiisa,

goob joogayaal ku sugnaa meesha uu ka dhacay falku ayaa sheegay in nimankaan dablayadda ah ay wateen gaari nooca loo yaqaan taxiga, markii ay dilka gaysteena ay ka baxsadeen goobta falku ka dhacay,

maaha markii ugu horaysay oo fal lagu beegsanayo ganacsatadda soomaalidda ee ku sugan koonfur africa, waxayna noqotay arin soo noq noqotay,

booliska dalka koonfurta africa ayaa sheegay inay wadaan, baaritaan falka dhacay,