GAROOWE: Taliyihii Hore ee Qaybta Gobalka Bari oo Shil Gaari ku Geeriyooday
February 28, 2011 // admin // NewsGAROOWE(AB):-Waxaa maanta shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay duleedka magaalada Garoowe, shilkaas oo uu ku geeriyooday Alaha u naxariisteen taliyihii hore ee qaybta Gobalka Bari Col. Cawil Axmed Jaamac halka 4 ka midana ay ku dhaawacmeen shilkaas khasaaraha sababay.
Shilkaan uu ku geeriyooday Alaha u naxariistee marxuun Cawil Axmed Jamac oo ka mid ahaa saaraakiisha sare sare ee qaybaha booliska Puntland ayaa ka dhacay bartii hore ee kantaroolkii Bari oo magaalada Garoowe hase yeeshee dhawaan laga rarar.
Shilkaan ayaa u dhacay ka dib markii uu gariga uu saarnaa Taliyuhu gadaal ka galay iska rogo dhagax siday taas oo dhinac goonaysay wadada halka gaariga taliyaha laga waayey bareeg.
Ragii ku dhaawacmay shilkaan sababay dhismashada ayaa la gaarsiiyey isbitaalka wayn ee magaalada Garoowe halkaas oo lagu dabiibayo dhawacyadoodi balse waxaa ay khaqaatiirta isbitaalka noo xaqiijiyeen in afarta nin ee shilkaas ku dhaawacmay mid ka mida ay xaaladiisu liidato.
Gaarigaan uu wato taliyuhu ayaa ahaa nooca loo yaqaan Surfe kaas oo si khaldan gadaal uga galay gaariga hase yeeshee sababay in uu ku dhinto Col Cawil Axmed Jamac islamarkaasna waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso meel ka baxsan magaalada.
Siciid Soomali -Xafiiska Garoowe



