digg icon delicious icon

Golaha wakiilada Puntland oo Maanta ansixiyay canshuuro lagu soo rogay shaqaalaha hay'adaha rayidka

June 30, 2011   //     //   News

Garoowe(AB):-Golaha wakiilada Dowlada Puntland ayaa maanta qalinka ku duugay oo ansixiyay xeer dhawaan ka yimid dhanka wasiirada kaasoo canshuuro loogu soo rogayay shaqaalaha hay’adaha rayidka ah.

Xildhibaanada waxaa ay qalinka ku duugeen in shaqaalaha hay’adaha kiiba mushaarkiisa laga jaro lacag dhan 5% ilaa 10 % sidoo kale waxay ansixiyeen xuquuqda shaqaalaha caadiga ee hay’adaha ama shirkaaha u shaqeeya.

Go’aanka ka soo baxay Baarlamaanka Puntland waxaa wali wax jawaba ah ka bixin shaqaalaha hay’adaha rayidka ee la dul dhigay canshuur ahaan inay 5% ilaa 10% mushaarkooda u jaraan dowlada.

28-kii bishaan ayay ahayd markii Xildhibaanadu ansixiyeen xeerkii tayeynta sheybaarka lagu baaro raashinaka ka soo dega dekada Boosaaso.

Garoowe-Nugaal
allburtinle.com
 

Readers Comments (0)