Dhacdooyinka Puntland, News

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Dib u eegis ku sameeyey Miisaaniyadda Dawladda ee Bilaha June ilaa December

Wasiirka cusub ee maaliyada Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed ayaa maanta hortagay barlamaanka Puntland oo ku guda jira kalfadhigooda 35-aad.

Waxaan halkaan kuugu soo gudbineynaa war bixin kooban oo ku saabsan noqoshada Miisaaniyadda sanadkan July ilaa December 2015.

Sida aad la socotaan waxaa golayaashu ansixiyeen dhammaadkii sanadkii 2014 ka Miisaaniyaddii sanadka 2015-ka taas oo ka koobnayd labo qaybood.Miisaanad dhan Janaayo ilaa Marso 2015 iyo Miisaaniyad dhan April ilaa Decembet 2015.Miisaaniyadda dambe oo xambaarsanayd saadaal dakhli laga filaayey Hay’addaha caalamiga ah ee uu ugu horeeyo Banka Aduunku kaas oo baaqday.

Sidaas darteed, markii laga gaarey 01 April 2015 maadama aaney hirgelin saadaashii Miisaaniyaddii sagaalka bilood ahayd, Wasaaraddu waxaa ay codsatey in Miisaaniyaddii lagu dhaqmaayey Janaayo ilaa Marso 2015, loo sharceyeeyo inta laga keenayo ku noqosho Miisaaniyadeed bisha June 2015.

Dakhliga.

Haddaba, Miisaaniyaddu guud ahaan inkastoo uu muujinaayo dakhliga dhabta ahi hoos udhac aan badnay waxaa saadaasha dakhliga July ilaa December 2015 noqoneysaa Miisaniyaddii la ansixiyey ee lagu shaqayneyey iyo dakhliga laga filaayo Banka Adduunka, guud ahaan waxaa ay isku tahay July ilaa December $28,237,760.kaas oo u kala qaybsan:-. Dakhliga Gudaha $23,387,760.Dakhliga laga filaayo Debea oo dhan $4,850,00. Wadar $28,237,760.

Kharashka.

Mar kasta kharashku waxaa uu ka badan yahay dakhliga, sababtoo ah Miisaaniyaddeenii hore waxaa ay xambarsanady is-dhin Miisaaniyadeed (Budget Deficit).

Miisaaniyaddu waxaa ay xambaarsan tahay oo ku muuqata koror kharash oo ku saabsan qoris ciidan iyo kharashyada kale e cidamada, kharashka July ilaa December 2015 wuxuu noqonayaa $39,094,541, halkaas waxaa ka muuqda faraq miisaaniyadeed oo dhan $10,856,781, kaas oo kala qaybsan:-.

Mushaharooyinka baaqday sanadkii 2014 $4,661,028. iyo Khasarasha ka badan dakhliga $ 6,195,753. Wadar Faraq $10,856,781.

Miisaaniyadda idin hortaal, waxaa la qorsheynayaa in la hirgeliyo 1 July 2015, waqtiguna waa kooban yahay, waxaan codsaneynaa in aad noo ansixisan si ay uga dhaqan gasho dhammaan dalka xiliga loo qorsheeyay.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdilaahi Shiikh Axmed ayaa Khudbadan kasoo jeediyay maanta Fadhiga Baarlamaanka Puntland.