digg icon delicious icon

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada ee Puntland oo sheegay inaan laga laaban doonin xukunkii dilka ahaa lagu riday ninkii dilay sarkaalkii ajanbiga ahaa

May 26, 2012   //     //   News

Garoowe(PV):-Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada ee Puntland C/laahi Jaamac Gayre ayaa maanta saxaafada u sheegay inaay sinaba looga laaban doonin xukunkii dilka ahaa ee maxkadu ku riday ninkii dhawaan dilay sarkaalkii u shaqeynayay shirkada Saracen ee dhawaan lagu dilay Puntland.

“kama laaban doono go’aankii ay dilka ugu xukuntay maxkamadu askarigii dilay Ninkii Ajnabiga ahaa ee Tababarka ciidamada u joogay deegaanada Puntland”ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada puntland ee dhanka ciidamadab C/laahi Jaamac Gayre

C/laahi Jaamac Gayre wuxuu intaasi ku daray in gacan ku dhiiglaha lagu cadeeyay danbiga dilka uu gaystay islamarkaana ay marqaatiyaal ka yihiin arintaasi 11 askari oo la joogtay markii uu dilka fulinayay.

“gacan ku dhiiglaha waxaa lala soo xiray 11 arkari kale kuwaasoo dhamaantood isku raacey in ninkani uu dilka gaystay,sidaa daraadeed aan marna la cafin dooni markii dhawaan odayaal ay dowlada ka dalbadeen in la iska sii daayo

Warka Gudoomiyaha ayaa jawaab ah dalab ay dhawaan Odayaal ku heyb ah ninka eedeysanaha ay madaxweyne Faroole kaga dalbadeen inuu ninkaasi iska fasaxo lagana laabto xukunka dilka ah.

Xafiiska Garoowe
puntlandvoice.com

Readers Comments (0)