News

Gudiga Difaaca Puntland oo sheegay in dagaalku socon doono inta laga xoraynayo gobollada ka maqan Puntlan

Gudiga difaaca puntland oo ka hadlay xaaladdii ugu danbaysay ee dagaalka tukaraq, ayaa sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray dagaaladdii ugu danbeeyey kuwasoo dhexmaray ciidanka difaaca Puntland iyo maleeshiyaadka soomaaliland.

gudiga difaaca puntland ayaa sheegay in xoraynta gobolka sool ay dhawdhay isla markaana dagaalku socon doono ilaa laga xoraynayo gobolka sool, waxaa guud ahaan xaalad kacsanan ah laga dareemayaa aaga difaaca tukaraq kuwasoo ay isku hor fadhiyaan ciidanku,

Gudiga difaaca puntland ayaa maamulka soomaaliland ku eedeeyey inay gabood falo iyo dhibaato dil iyo dhaawac ah u gaysteen shacabka reer laascaano, iyagoo sheegay in wixii halkaas ka dhaca ay masuuliyadeeda qaadi doonto maamulka hargaysa.