Gudoomiyaha Baarlamaanka oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
January 30, 2011 // admin // NewsMuqdisho(AB):-Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa maanta ka soo degay gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaano la socday.
Ilaa 50 xildhibaan ayaa la socotay gudoomiyaha waxayna ka yimaadeen Dalka kenya xaruntiisa Nayroobi.
Gudoomiyaha iyo xildhibaanada waxay dalka Kenya ku sugnaayeen waqtiyadan danbe iyadoo xildibaanada qaar mudo dalka ka maqnaayen.
Imaanshaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku soo aadeysa xili maantaBaarlamaanka uu hortagayay Ra’iisulwasaare Farmaajo.
Si kastaba Gudoomiyaha waxaa la filayaa inuu saxaafada kula hadlo xarunta madaxtooyada si uu warbixin uga siiyo mudadii uu dalka ka maqnaa waxa uga soo qabsoomay safarada uu ku maqnaa.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com


