digg icon delicious icon

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta magacaabay gudiga doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya

March 31, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):-Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada KMG ah Soomaaliya Shariif Xasan sheekh aadan ayaa maanta magacaabay sedex gudi oo uu ku jiro gudiga doorashooyinka Madaxtinamada Soomaaliya.

Magacaabista gudiyadaan oo sii hurineysa khilaafka madaxda sar sare ayaan la ogeyn sida uu madaxweynaha uga hadli doono inkastoo uu hore u sheegay in baarlamaanku awood u lahayn inay qabtaan doorasho madaxtinimo.

Warsafaafadeed uu soo saaray gudoomiyaha baarlamaanka loogana hadlayay magaabista sedexda gudi ayaa sidaan u qornaa:-

WARSAXAAFADEED

Markuu arkay: Qodobka 18-aad Faqradiisa 1-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Baarlamaanka.

Markuu arkay: Go’aanka Golaha Baarlamaanka ee tirsigiisu yahay X/G/B/297/2011 kuna taarikhsan 03/02/2011.

Wuxuu magacaabayaa Guddiyadda soo socda oo sida ugu dhaqsiyaha badan u soo diyaarindoona midwalba waajibaadka loo xilsaarey waxayna kala yihiin:-

1. Guddiga Dib-u habeynta Baarlamaanka & Tayeynta Shaqadiisa (Parliamentary Reform Committee).

Guddigan wuxuu ka soo talo bixinaya sida ugu haboon ee dib-u habeyn loogu sameyn karo Baarlamaanka iyo shaqooyinkiis.

2. Guddiga soo diyaarinta Qorsha hawleedka Baarlamaanka (Strategic Plan Committee).

Guddigan wuxuu daraasad cilmiyeysan oo wax ku ool ah ku soo sameyn doonaa Qorsha hawleedka uu ku shaqeyndoono Baarlamaanka Soomaaliyeed mid dhow iyo mid fogba.

3. Guddiga Doorashooyinka

Guddigan wuxuu u xilsaaran yahay diyaarinta Jadwalka Doorashooyinka.
Sidaasi darteed, waxaa Baarlamaanka sharafta leh lala socodsiinayaa in la soo magacaabidoono Guddiyadan si ay dhaqso u hawlgalaan.

Shaqo Wacan

Shariif Xasan Sheekh Aaden
Gudoomiyaha Baarlamaanka

Guddiyada la magacaabay iyo xubnaha ku jira.

Guddiga Doorashooyinka ( Election Committee)

1. Cali Axmed Jaamac Jengeli
2. C/kariin Axmed Cali
3. Caadil Sheegow Sagaar
4. Saciido Xasan Cismaan
5. Max’ed Cismaan Moostaro
6. Max’ed Muxyadiin Sh. Mursal
7. Xasan Cabdi Guure (Xasan Jabhad)
8. Cismaan Xaaji Cali
9. Ciise Wehliye Maalin
10. Cali Cumar Geedi (Cali Garabey)
11. C/qaadir Xasan Cabdi (Shacab)
12. Xuseen Max’uud Muuse (Bantuu)
13. Max’uud Cabdi Xasan (Bekos)
14. Max’ed Axmed Keynaan
15. Khaalid Cumar Cali
16. Caasho Cabdi Sheekh
17. Aamina Cumar Jaamac
18. Xasan Xaashi Warsame
19. C/qaadir Aweys Mahdi
20. Macalin Cali Cadow

Guddiga Dib-u habeynta Baarlamaanka (Parliamentary Reform Committee)

1. Cumar Islow Max’ed
2. Xasan Macalin Xuseen
3. Madoobe Nuunow Max’ed
4. Sh. Jaamac Xaaji Xuseen
5. Yuusuf Cali Ceynte
6. Max’ed Xuseen Isaaq (Afaraale)
7. Axmed Diiriye Max’ed
8. C/laahi Max’ed Aaden (Farey)
9. Max’ed Xuseen Raage
10. Ibraahim Sheekh Cali Max’ed (Jeebo)
11. Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille)
12. Hilowle Aadan Max’uud
13. Garweyne Kuulow Aweys
14. Ibraahim Cabdi Cali
15. C/laahi Aaden Cali (Shaleetey)
16. Abuukar Xasan Cali
17. Xaawo C/laahi Qayaad
18. Cawad Axmed Cashara
19. Cismaan Max’ed Cabdi (Daalo)
20. Axmed Xaashi Maxuud

Guddiga Soodiyaarinta Qorsha Hawleedka Baarlamaanka (Strategic Planning
Committee)

1. Prof. Burci Max’ed Xamsa
2. Prof.C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille)
3. Prof. Xuseen Ceelaabe Faahiye
4. Prof. C/raxmaan Aaden Ibraahim (Ibbi)
5. Prof. C/raxmaan C/shakuur Warsame
6. Prof. Faadumo C/laahi Max’uud (Insaaniya)
7. C/laahi Sheekh Cismaaciil
8. C/waaxid Cilmi Cumar (Goon jeex)
9. Cabdalla Boos axmed
10. Dr. Xuseen Cismaan Xuseen
11. Dr. Muuse Cali Cumar
12. Maryan Saciid Cali
13. Mowliid Macaani Max’uud
14. Admiral Max’ed Max’uud Xeyd
15. Dr. Xuseen Max’uud Sh. Xuseen
16. Max’ed Nuuraani Bakar
17. Ibraahim Xuseen Cali Saalax
18. Ibraahim Saalax Deyfalah
19. Max’ed Sheekh Jaamac Nageeye
20. Axmed Sheekh Mukhtaar Yuusuf (Sanyare)

Readers Comments (0)