digg icon delicious icon

Gudoomiyaha Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ee degaanada Ex-banaadir oo ka digey gudi sheegtay inay maamul u sameynayaan sedex Gobol

September 28, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):-Gudoomiyaha Dalladda ururda Bulshada rayidka ee degaanada Ex-banaadir Xaaji Muxudiin Xasan Afrax ayaa maanta Warqad War gelin ka hor aqriyay warbaahinta, iyadoo warqadaani uu ku war galinayo xafiisyada Dowladda KMG ah in ay ka digtoonadaan dadka sheegaya in ay yihiin Guddi loo soo diyaariyay in ay u sameynayaan maamul ay ku midobayaan sadax Gobol.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Warqadiisa ku qorneed in Gudiga dadka isku sheegaya ay ka mid yihiin dad aanu u dhalanin sadaxda gobol oo ay sheeganaya in ay gudi u yihiin haatan, waxuuna sidoo kale dadkaasi uu haatan ku sheegay in ay meer meerersanayaan xafiisyada sida Wasaaradaha iyo xafiiska Madaxtooyada.

Dhanka kale su’aalo ay saxaafadu weydiisay Gudoomiyaha ayaa aheyd in ay jiraan Xildhibaano ka soo jeeda deeganada Doonaya in ay Midobaan tageersanna gudigaani waxuuna Gudoomiyaha Dalladda ururda Bulshada rayidka ee degaanada ee Ex-banaadir Xaaji Muxudiin Xasan Afrax uu ku jawaabay in Xildhibaanada dalka ay yihiin kuwa marwaliba ka shaqeya musuq maasuqa dalka ka jira.

Ugu danbeentii Gudoomiyaha Dalladda ururda Bulshada rayidka ee degaanada ee Ex-banaadir Xaaji Muxudiin Xasan Afrax ayaa uga digay masuliyiinta sar sare ee Dowladda KMG ah gudigaani oo ah mid aan la ogeyn halka laga soo dirsaday ,lagana warqabin cidda howshaani u dhiibatay, iyadoo sidoo kalena uu Baaq u jeediyay dadka ka ka dhashay degaanadaani ee dhinac ordaya dadka isku sheegaya gudiga qaban qaabo ee maamul u sameynta sadaxdaani Gobol ee magacoodu ahaa Ex-Banaadir in ay walaalahooda ku degaanka ah la shaqeyaan gacanhana qabsadaan.

Xafiisak Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)