Gudoomiyaha Degmada Xarfo ee gobolka Mudug oo booqdey deegaano hoosyimaada maamulka Degmadaasi
August 31, 2010 // admin // NewsXarfo (AB):-Gudoomiyaha degmada xarfo ee gobolka mudug Mr c/laahi faarax bayle tikrooni ayaa booqdey deegaano badan oo hoos yimaada degmada xarfo ee gobolka mudug.
Deegaanadaas oo ay kamid ahaayeen gosol, faratooyo, farjano , beer dhagaxtuur iyo cado gaba gabo
Gudoomiyaha ayaa dadka deeganadaas kala hadlayey sidii loo bilaabi lahaa dugsiyo waxbarasho oo deegaan waliba leeyahey .
dadka deegaanadaan ayaa uguuxay fikirkaas gudoomiyaha ayaa ubalan qaadey inuu kataageeri doono dhanka mushaaraadka macalimiinta iyo wax waliba oo ay karaan maamulka degmada xarfo
Dhawaan ayey aheyd markii dadaal uu horkacayey gudoomiye tikrooni lagu dhisey wado jay ah oo dadka deegaanku dhisteen taas oo dhan 28km iyo buundo lasaarey tog wadada dhexdeeda mara wadadaan ayaa udhaxeysa degmada xarfo iyo tuulada beer dhagax tuur ee xaduudka kililka shanaad ee itoobiya
Gudoomiyaha mar allburtinle wax kaweydiiyey warar soo baxey oo ahaa in dad ka tirsan kililku soo gaareen beer dhagaxtuur ayaa sheegey iney arintaasi jirtey balse dib ugu laabteen xaduudahooda gudoomiyaha ayaa sheegey in beer dhagaxtuur tahey Somalia kana taaganyahey calanka Somalia uuna hoos yimaado maamulka degmada xarfo
Iskusoo duuboo gudoomiyaha ayaa kuhan weyn in deegaanada hoos yimaada xarfo oo dhan laga yagleelo waxbarashada aasaaiga ah
Mursal max’ud osman
allburtinle xafiiska puntland
catoosh170@hotmail.com




