Gudoomiyaha Maxkamada sare oo Madaxda Dowlada uga digay inay sharciga hareer maraan
March 31, 2011 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Xusen Axmed Cilmi Gudoomiyaha Maxkamada Sare e Dowlada KMG ah Soomaaliaya oo maanta shir jara’id ku qabtay Muqdisho ayaa si dadban digiin ugu jeediyay madaxda sar sare ee Dowlada KMGah Soomaaliya.
Gudoomiyaha waxa uu ugu baaqqaymadaxda sar sare inay sharciga ilaaliyan madama sida uu sheegay sharcigu yahay kan ka sareeya cid kasta.
“hay’ada aan madaxda u nahay waa awooda sedexaad ee Dowlada sidaa daradeed waxa xil naga saaran yahay inaan howsheena gudano”ayuu yiri Xuseen Axmed Cilmi
Gudoomiyaha waxa uu sheegay in sharciga iyo axdiga dalka u degsan ay tahay in mas’uul kasta uu xil ka saaran yahay inuu ilaaliyo uuna xaq dhowro.
Inkastoo mas’uulkaani soo hadal qaadin magacyada madaxda is khilaafsan ayaa hadana hadalkiisa loo fasirtay inuu madaxda digin u jeedinayo waqtiyada soo aadana laga yaabo inay soo farageliyaan is hayasadka.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com



