News

GUDOOMIYE TARSAN "Waxaan wadnaa qorsher aan daryeel ugu sameyneyno caruurta darbi jiifka ah

Muqdisho (AB):-Gudoomiyaha ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa daboolka ka qaaday inay wadaan qorshe ay ku ururinayaan caruurta darbi jiifka ah ee Muqdisho ku dandareysan.

Mr.Tarsan oo xalay ka hadlayay barnaamij su’aalo lagu weydiinayay Madaxweyne Shariif ayaa ka dhawaajiyay inay ilaa iminka gacanta ku hayaan 50 caruurta darbi jiifka ah ka mid ah islamarkaana ay wadaan qorshe ay dhamaan caruurtaasi ku ururinayaan.

“waxaan rajeyneynaa in caruurta nuucaani ah ee aan hada heyno ku soo darno nolosha caruurta kale ee waalidkood la jooga ay haystaan”ayuu yiri Tarsan oo shalay gudi heer degmo ah u diray Magaalada Kambaaka kuwaasoo qaramada midoobe kala soo hadli doono dhaqaalihii lagu xanaaneyn lagaa caruurtaasi.

Gudoomiye Tarsan waxaa uu sidoo kale intaasi ku daray in caruurtaani oo u badan kuwo daroogada isticmaala ay hada sidii hore ka soo reynayaan marka la eego caruurta ay hada xanaanada u bilaabeen.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee qabta xilka Maamulka G/banaadir ee u istaaga daryeelka Caruurta darbi jiifka ah ee daroogadana wadooyinka la taagnaa.

Muqdisho-Somalia
allburtinle.com