News

Gudoomiyihii degmadda Baardheere oo Xilkii laga qaaday

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha ee Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa xilka lagaga qaadey mudane Cabdullaahi Nuur Xasan (Cadow) oo ahaa gudoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo .

Isla wareegtadan ayuu wasiir ku xigeenku ku magacaabey Gudoomiyaha cusub ee degmada Baardheere mudane Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax.