Guri Xalay ku dumay Xamar Jajab oo sababay dhimashada Qoyskii ku noolaa gurigaasi
October 31, 2011 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Wararka laga helayo degmada Xamar jajab ayaa sheegaya in xalay uu dumey mid ka mid ah guryaha degmada Xamar jajab ee qadiimiga ahaa taasoo sababtay dhimashad qoys halkaasi deganaa.
Guriga dumey waxaa ku dhintay hooyo iyo 2 caruur ay dhashay iyadoo 1 cunug kale uu ka badbaaday geeri inkastoo dhaawac ahaan loo qaaday markii xalay saq dhexe dadka deriska ay u soo gurmadeen qoyskaasi.
Deriska ayaa la sheegay inay burburka guriga ka heleen wiilka dhaawaca ah balse guud ahan hooyadii iyo 2 caruur ayaa lagu guuldareystay in la badbaadsho waqtiga oo meesha ku ekaa darteed.
Dhawaan ayay ahayd markii isla degmadaasi guri ku yaal uu ku soo dumey qoys halkaasi ku dhaqnaa iyadoo ay sababtay dhimasho iyo dhaawac waxaana loo aaneynayaa guryaha degmadaasi oo ay ku jira kuwo qadiimi ah oo ku dhawaad qarni ka hor la dhisay.
Muqdisho-Somalia
allburtinle.com



