News

Hal qof ayaa dhintay afar qofna way dhaawacmeen kadib markii Darbi ku soo dumay

hal qof ayaa dhintay shan kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, kadib markii uu dumay Darbi ay ku sugnaayeen dad ka ganacsada xoolaha.

Shirka ayaa ka dhacay Darbi ku yaalla Suuqa Xoolaha ee xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan, waxaana dadka dhibaatadu gaartay isugu jireen xoolo dhaqato iyo kuwo ka ganacsada.

Lama sheegin waxa sababay inuu darbigaas dumo, balse waxaa masiibadu kusoo aaday xilli roobka Gu’gu uu ka hooray qaybo kamid ah gobolkaas.

Maamulka Baladweyne ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay sameeyeen gargaar lagu samata-bixinayo dadkii ku waxyeelloobay arrintaas.