News

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo qaadday Imtixaanka Agaasime Waaxeedyo

hay’ada shaqaalaha raydidka ah ee Puntland ayaa saaka imtixaan ka qaaday shaqaale loo qaadanayey mashruuca tayeynta shaqaallaha dawladda Puntland, iyadoo boosaskaas shaqadda loo galay ayaa ahaa Agaasime waaxeedyo kuwasoo uu Maal galinayo Bankiga Aduunka,

Mshruucaan ayaa waaxaa ka faaidaysanaya wasaaraddaha dawladda Puntland iyo hay’adaha dawladda puntland kuwasoo loogu talo galay inay ka faaidaystaan mashruucaas,

Imtixaanka ayaa loo qaaday qaab Casri ah, iyadoo loo galay qaab fiican, waxana imtixaankaas fariistay 40 qof waxaana sidoo kale boosaska loo galayey waxay ahaayeen Sideed Boos,

Imtixaankaas ayaa lagu galay xarunta libarary,