News

Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa beenisay iney joojisay Baasaboorka ay ka bixineysay Xafiiska magaalada Garoowe

ee xarunta Puntland.Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Hay’adda oo markii hore degganeyd guri kiro ah oo gaar leeyahay ay hadda xarun weyn ka dhisatay magaalada Garoowe,halkaasi oo ka sii socon doonto howsha Shacabka ay u heyso Hay’adda.

Hay’addu waxay mar kale ku wargelineysaa bulshada ku xiran adeegga xaruntaan in ay adeegga bixinta baasaboorku dib uga billaaban doonto xarunta cusub maalinta berri ah oo ay tariikhdu tahay 13/03/2018.Dhinaca kale Hay’addu waxay caddeyneysaa in aysan matalin isla markaana wax mas’uuliyad ah u haynin dad shaley sheegtey magaca hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliy